Halyeeyada Liverpool Jamie, Gerrard & Agger Oo Xiran Doona Maaliyadda Liverpool Kana Hoos Ciyaari Doona Jurgen Klopp.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Halyeeygii hore Liverpool Steven Gerrard ayaa xiran doona maaliyadda guduudan ee qiimaha sare ugu fadhisa bartamaha sanadkaan isagoo ka hoos ciyaari doona tababare Jurgen Klopp.

Gerrard, Jamie Carragher, Daniel Agger iyo Steve McManaman ayaa ka qeyb noqon doona safka Liverpool ee la ciyaari doona kooxda reer Australia ee Sydney FC bisha soo aadan markaas oo kooxda Merseyside ka dhisan ay u dabaal dageyso sanad guuradii 125-aad.

Tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu siibay kabaha kubadda cagta bishii November, Steven Gerrard wuxuu kaliya kasoo muuqday kulankii sadaqo aruurinta ee halyeeyada Real Madrid, balse markaan wuxuu fursad u heli doonaa inuu garoonka ANZ Stadium la galo Philippe Coutinho iyo Roberto Firmino.

“Sharaf ayey ii tahay inaan gashto maaliyadda guduudan isla markaana aan ciyaaro kubadda cagta, anigoo ka qeyb ah shax fiican iyo saaxiibadeydii hore ee kooxda, tani waa waxa Liverpool ay tahay, qoys u dabaal dagayay in ku hareereesan 125-sanadood”

“Jamaahiirteean Australia mar walba waxey na siiyaan soo dhaweyn diiran, sidaas darteed waxey noo ahaan doontaa dareen weyn inaan aragno ANZ Stadium oo isku badalay guduud 24-ka May”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments