Halyayga Liverpool Ee Steven Gerrard Oo Iska Diiday In Uu Hoos U Dhigo Wax Qabadka Xulka Qaranka England Ay Ka Sameeyeen Koobka Aduunka 2018.

Kabtankii hore kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa iska diiday inuu hoos u dhigo bandhiga ay jiilka xulka qaranka England ka sameeyeen koobka aduunka 2018, isagoo xaqiijiyay in ay sameeyeen waxa aysan sameeynin jiilkii dahabiga ahaa uu ka tirsanaa, xiligiisa uu kasoo garab ciyaaray xidigaha sida David Beckham, Frank Lampard, Paul Scholes iyo Wayne Rooney. Gary Neville.

Xulka qaranka England ayaa wuxuu guuldaro kala kulmay wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 dhigiisa Croatia, kadib markii loogu awood sheegtay 2-1, taasoo meesha ka saartay inay ku guuleystaan koobkoodii labaad ee aduunka tan iyo sanadii 1966-dii, wiilasha saddexda libaax ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka ay kaalinta 3-aad kula dagaalami doonaan dhigooda Belgium.

Steven Gerrard ayaa kahor kulanka la hadlay saxaafada wuxuuna yidhi: “Waxay sameeyeen in ka badan inta ay sameeyeen jiil kasta ee lasoo dhaafay, guuldarada kadib, waxa kaliya aan rabo inaan sheego ayaa ah inaan ku kalsoon nahay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka”.

Halyayga reer England ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxa kaliya oo aan samayn karo waa in aan koofiyadayda kor ugu qaado iyaga, waxay mudan yihiin inay helaan soo dhaweyn fiican marka ay ku laabtaan dalka”.

Si kastaba Steven Gerrard ayaa wuxuu soo ciyaaray dhowr jeer ee ah tartanka koobka aduunka, guushii ugu weyneed ay gaaraan ayaa ahayd u gudbida wareega quarter-finalka sanadii 2006.