Halkey Ku Dambeeyeen Lixdii Saxiix Ee Ugu Dambeysay Uu Tababare Pep Guardiola Keenay Garoonka Camp Nou?

Tababare Pep Guardiola waxaa la siiyaa dooqa koowaad markey noqoto in laga hadlo tababarayaasha ugu fiican kubadda cagta waqtigaan, macalinkaan reer Spain wuxuu 100 dhibcood ka badan Manchester City ugu hogaamiyay iney ku hanatay horyaalka Premier League.

47-jirkaan wuxuu tayadiisa kusoo bandhigay Camp Nou, muddo afar sano ah ayuuna maamulay kubadda cagta kadib markii sanadkii 2008 loo magacaabay tababaraha kooxda isagoo 37-jir ah, balse waxaa durba la is weydiiyay hal su’aal.

Halkey ku dambeeyeen lixdiisii saxiix ee waayahiisa Barcelona? Waxaa la xasuustaa in macalinkaan uu sanadkii 2012 isaga tagay garoonka Camp Nou, xiddigaha David Villa, Javier Mascherano, Ibrahim Afellay, Adriano, Alexis Sanchez iyo Cesc Fabregas ayeyna ahaayeen.

Cesc Fabregas: Xiddiga reer Spain wuxuu Guardiola kasoo qaatay Arsenal sanadkii 2011. Adduun dhan 30 Malyan oo Pound ayaa dib loogu soo celiyay kooxdisii hore. Kadib saddex xilli ciyaareed uu Camp Nou joogay wuxuu sanadkii 2014 kusoo biiray Chelsea.

Alexis Sanchez: Guardiola wuxuu xiddigaan kasoo qaatay Udinese, 23.4 Malyan oo Pound ayuuna kusoo qaatay isagoo cadeeyay inuu u qalmo lacagta laga soo bixiyay.

Saddex xilli ciyaareed kadib sanadkii 2014 wuxuu kusoo biiray Arsenal, balse sanado kadib wuxuu January 2018 kusoo biiray Man United.

Ibrahim Afellay: Adduun dhan 3 Malyan oo Pound ayuu kaga soo dhaqaaqay kooxda PSV Eindhoven, balse rajadiisii Camp Nou ma noqon mid si qurux badan, wuxuu kooxda isaga tagay sanadkii 2015 isagoo ku biiray Stoke City, sidoo kale laba jeer ayuu Schalke 04 iyo Olympiakos amaah ugu ciyaaray.

Javier Mascherano: Halyeeygaan hadda ku sugan China wuxuu kooxda u yimid si uu khadka dhexe u buuxiyo, balse daafaca ayuu aad u hormariyay, January 2018 ayuuna u dhaqaaqay kooxda Hebei China kadib markii uu 334 kulan u saftay kooxda reer Catalan.

Adriano: Daafacaan wuxuu sanadkii 2010 kaga soo dhaqaaqay Sevilla, adduun dhan 8.5 Malyan oo Pound ayuuna yimid Camp Nou, kadib 6-sanadood uu kooxdaas ku qaatay wuxuu sanadkii 2016 ku biiray Besiktas.

David Villa: Wuxuu waayahiisa ugu dambeeya ku qaadanayaa dalka USA, adduun dhan 36 Malyan oo Pound ayuu kooxda Barcelona ku yimid Barcelona sanadkii 2010, wuxuu ahaa goolhaye aad loogu riyaaqay waqtigiisa, wuxuu ka yimid Valencia, balse 2013 ayuu ku biiray Atletico Madrid isagoo kooxdiisa u saftay 119-kulan una dhaliyay 48-gool.