Halkee Ayuu Jose Mourinho Ka Soo Daawaday Kulankii Uu Xalayto Ka Ganaaxnaa Ee Man United Ugu Soo Baxday Semi-finalka EFL Cup?

by Saed Balaleti | Thursday, Dec 1, 2016

Jose Mourinho ayaa ka soo daawaday kulankii ay Manchester United ku buukimatay booskooda semi-finalka EFl Cup meel sir ah oo ku taala Old Trafford sida uu isaga qirtay.

Tababaraha Man United ayaa ganaax hal kulan ah la duldhigay ka dib markii uu si carro leh u laaday caag biyo ah kulankii Axadii ee Premier League, waxaana meel qarsoon uu ka soo daawaday kooxdiisa oo badineysa.

Laakiin The Special One ayaa la fahamsan yahay inuu guusha United ka soo daawaday xafiiskiisa ku dhex yaala Old Trafford, isagoo ka fogaaday taribuunka ka dib markii uu aqbalay ganaaxa xiriirka kubada cagta Ingariiska oo sidoo kale ay qeyb ka aheyd ganaax lacageed oo gaaraya 16 kun ginni.

manchester-united-v-west-ham-united-efl-cup-quarter-final

Min labo gool oo ay kala dhaliyeen Zlatan Ibrahimovic iyo Anthony Martial ayaa United u sahlay inay si fudud ku garaacaan West Ham iyadoo semi-finalka la ciyaaraya Hull City, waxaana suurtogal ah inay finalka isku arkaan kooxda ay aadka isku neceb yihiin ee Liverpool.

Mourinho ayaa kaliya si kooban uga soo muuqday telefsihinka ka dib ciyaarta isagoo bixiyay wareysi laakiin waa uu ka gaabsaday markii la weydiiyay halka uu ka soo daawaday ciyaarta.

“Waa sir qarsoon” ayuu yiri Mourinho. “Laakiin waxaan xiriir toos ah la lahaa kursiga keydka, haddii aan daacad u hadlana shalayto ayaa si wacan u diyaarinay qof walba.

“Waqtigii nasashada si fool ka fool ah ayaan u la hadlay ciyaartoyda, waana aaminsanahay dadkeyga, caawiyayaasheyda inay u gudbiyaan warbixinada loo baahan yahay. Waan u faraxsanahay ciyaartoyda.”

Mourinho ayaa ku soo laaban doona kursiga keydka Manhcester United kulanka ay u safrayaan Axada kooxda Everton maalinta Axada.

Like it? Share it!

Leave A Response