Halkaan Ka Akhriso Liiska 29ka Wadan Ee Ilaa Iyo Haatan U Soo Baxay Koobka Adduunka Oo Dhameystiran & Seddex Xul Oo Weli Ka Harsan Wadarta Guud

by Saed Balaleti | Tuesday, Nov 14, 2017

Waxaa lagu jiraa diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Koobka Adduunka oo xagaaga danbe lagu qabanayo dalka Ruushka, xulka Sweden ayaana xalayto noqday kulankii ugu danbeeyay ee xaqiijista booskooda Koobka Adduunka ee sannadka soo socda lagu qabanayo dalka Ruushka.

Wadarta kooxaha ilaa iyo haatan xaqiijistay booskooda Koobka Adduunka waa 29 xul iyadoo ay harsan yihiin seddex xul oo booskooda xaqiijsan doona maalmaha soo socda.

Markii ugu horeysay muddo 60 sannadood ah xulka Talyaaniga ayaan ka soo muuqan doonin Koobka Adduunka ka dib markii ay xalayto barbaro goolal la’aan ah San Siro kula galeen xulka Sweden iyadoo lugtii hore ay 1-0 ku soo badisay Sweden.

Qaaradeena Afrika shantii xul ee u matali lahaa Koobka Adduunka waa ay dhameystirmeen isbuucaan iyadoo ay u soo baxeen daallka kala ah Masar, Nigeria, Senegal, Tunisia iyo Morocco.

Qaarada Yurub oo ay sannadkan Koobka Adduunka uga qeybgalayaan 14 xul oo ay ku jirto xulka martigelinaya ee Russia ayaa durbaba waxaa booskooda xaqiijistay 13 xul oo ka mid ah iyadoo booska ugu danbeeya ay ku tartamayaan xulalka Nothern Ireland iyo Denmark iyadoo kulankii lugta hore ee Denmark martida loo ahaa uu ku soo dhamaaday barbaro goolal la’aan ah.

Australia iyo Honduras  ayaa iyagana boos ka mid ah boosaska banaan ku tartamaya iyadoo lugtii hore ay barbaro ku dhamaatay kooxdii badisa lugta labaad waxa ay u soo bixi doontaa Koobka Adduunka iyadoo Australia haddii ay badiso ay qeyb ka noqon doonto xulalka Asia halka Honduras ay ku biiri doonto liiska xulalka waqooyiga iyo bartamaha Ameerika.

Kulanka kale waxa uu u dhaxeeyaa Peru iyo Venezuela iyadoo xulkii badiya ay iyagana iska soo xaadirin doonaan Koobka Adduunka. Haddii ay Peru soo baxdo waxa ay ku biiri doonaa afarta xul Latin America ka soo baxay, halka haddii ay badiso Venezuela ay matali doonto dalalka Oceania la isku yiraahdo.

SHANTA XUL EE AFRIKA U SOO BAXDAY

EgyptEgypt

MoroccoMorocco

NigeriaNigeria

SenegalSenegal

TunisiaTunisia

XULALKA ASIA U SOO BAXAY

IranIran

JapanJapan

Korea RepublicKorea Republic

Saudi ArabiaSaudi Arabia

XULALKA YURUB U SOO BAXAY

BelgiumBelgium

CroatiaCroatia

EnglandEngland

FranceFrance

GermanyGermany

IcelandIceland

PolandPoland

PortugalPortugal

RussiaRussia

SerbiaSerbia

SpainSpain

SwedenSweden

SwitzerlandSwitzerland

 XULALKA WAQOOYIGA IYO BARTAMAHA AMEERIKA U SOO BAXAY

Costa RicaCosta Rica

MexicoMexico

PanamaPanama

 XULALKA KOONFUR AMEERIKA U SOO BAXAY

ArgentinaArgentina

BrazilBrazil

ColombiaColombia

UruguayUruguay

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments