Hadii Uu Neymar La Doonayo Real, Rajada Argentina Ee Koobka Aduunka 2018 & Lionel Messi Oo Ka Hadlay Hadii Uu Tartan Kula Jiro Cristiano Ronaldo.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa wareysi siiyay TV-a TyC Sports ee laga leeyahay dalka Argentina isagoo ka hadlay waxyaabo badan oo khuseeya koobka Aduunka, saaxiibkiisii hore Barcelona Neymar Jr & weeraryaanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Kabtanka Argentina wuxuu doonayaa in qarankiisa uu meel sare ka gaaro dhacdada lagu balansan yahay Russia bisha June ee soo aadan, sidoo kalana wuxuu qiray in Neymar Jr uu awood dheeri ah kusoo kordhinayo Madrid ayna tahay arrin cabsi leh.

“Waxey noqon doontaa mid cabsi leh, sababtoo ah waxa uu Neymar kaga dhigan yahay Barcelona” ayuu yiri Messi oo la hadlayay TV-ga TyC Sports gaar ahaan barnaamijka “Libero”.

“Halkaan wuxuu ku qaaday koobab muhiim ah, Champions League, La Liga, waxey qof walba u noqoneysaa dharbaaxo weyn” ayuu mar kale yiri.

“Waxey ka dhigeysaa Real Madrid mid fiican, marka aan isaga la hadlaayo wuu ogyahay”

Dhanka kale Lionel Messi ayaa aaminsan in Argentina ay tahay iney gaaraan semi final-ka tartanka koobka Aduunka si Argenintina uu ugu noqdo tartan wanaagsan.

“Waan u qalanay inaan halkaan ahaano sababtoo ah taariikhdeena, inkastoo ay wax badan nagu qaadatay tartamadii ugu dambeeyay inaan halkaas gaarno, balse waa inaan mar kale halkaas gaarno”

“Waxaa jira rabitaan badan sababtoo ah wax walba oo aan soo marnay halkii ay waajib nooga aheyd”

“Waxaa nahay xulka koowaad ee doonaya iney ku guuleystaan dhacdada Russia”

Ugu dambeyntiina Lionel Messi ayaala weydiiyay hadii uu haminayo inuu gaaro meel ka fiican Ronaldo, balse xiddiga reer Argentina wuxuu soo jeediyay inuusan jirin tartan gaar ah oo labadooda u dhaxeeya.

“Aniga isaga lama tartamaayo” ayuu yiri Messi.

“Wey iga careysiineysaa inaan finalka Champions League ku arko Real Madrid, ama aan arko ayagoo ku guuleysanaya La Liga”

“Waxaan doonayaa inaan sanad walba ku guuleysto Champions League sidoo kalana aan horyaalka hanto sanad walba”

“Waana waxa aan dhamaanteen wada dooneyno”

5 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Habane 16-05-2018 at 2:55 pm -

    Ronaldo best blayer

  2. A.Riise 16-05-2018 at 2:05 pm -

    He is genius while Ronaldo is selfish…
    Messi is gifted while Ronaldo is talented
    Messi is the King of football while Ronaldo is the Don…
    Messi loves the Game while Ronaldo Loves Fame

  3. A.Riise 16-05-2018 at 2:03 pm -

    Messi waa Libaax Libaaxuna qof maahan hamigiisu ee waa koox that is why he is the best player in the world Leo the Wizard…

  4. abdiwali warsame 16-05-2018 at 10:47 am -

    ronaldo Apahaa weeyeH wx kabaro champions layn dad ba iska leH adna roma kuleH

  5. cabdi kariin 16-05-2018 at 10:36 am -

    messi wa lacib ka fiican ronaldo
    hubal wuu qada world cupka igana qora