Hadii Uu Ku Farxsan Yahay Kursiga Keydka, Inuu Dareemo Xanuun Da’da Ah & Lionel Messi Oo Shaaciyay Wadamada Ugu Cad-Cad Koobka Aduunka.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Miyuu Lionel Messi Ka Careysan Yahay In Kursiga Keydka La Dhigo? Miyuuse Dareemaa Xanuun Ay La Xiriira Dhanka Da’da?

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaan wax dhibaato ah ku qabin in la dhigo kursiga keydka iyadoo Ernesto Valverde uu isbuucyadii ugu dambeysay laba jeer xidigaan ka reebay safka kusoo bilaabanaya Champions League.

Kabtanka Argentina waa mid ciyaara daqiiqad walba oo ka mid ah ciyaaraha kooxdiisa marka uu taam buuxa yahay, mana jirto inuu kasoo muuqday kursiga keydka waqtigii Luis Enrique, balse is weydiin badan ayaa ka jirta sababta waqtigaan keentay.

Tababare Ernesto Valverde wuxuu go’aansaday inuu kursiga dhigo Lionel Messi kulankii ay la ciyaareen Juventus ee ka dhacay Turin iyo kulankii ay Camp Nou kusoo dhaweeyeen Sporting Lisbon.

“Waa inaan fahmaa in xilli ciyaareedka dheer yahay sidoo kalana ay jirto waqtiyo aad uga muhiimsan kuwa kale. Sanado ka hor ma dareemi jirin, balse hadda ayey bilaabatay inaan dareemo cadaadis” ayuu yiri Lionel Messi oo wareysi siinayay TyC Sports.

“Dabcan waa wax adag inaad noqoto badal, balse waa inaan fahmo iney tahay midda ugu fiican” ayuu yiri mar kale.

Qiyaasta ugu fiican ee keentay in Lionel Messi uu aqbalo waxey tahay inuu doonayo taam buuxa inuu u noqdo koobka Aduunka ee dhacaya June 2018, sidoo kalana waxaa sii kordhaya da’diisa.

“Waxey ila tahay inaan heysano waqti nagu filan oo aan ku hormarino kulamada soo socda, iyo ka hor koobka aduunka, waxaan heysanaa bil aan isku diyaarino, isla markaana aan wax walba uga tagno halkii ay ka bilowdeen”

Ugu dambeyntiina Lionel Messi wuxuu qiray iney jiraan wadamo ka wanaagsan sida: Brazil, Germany, France iyo Spain.