Haddaba Zinedine Zidane Waxa Uu Garanayaa Qorshaha Ciyaareed Ee Uu Man United Ka Hirgalin Doono Marka Uu Badalo Jose Mourinho.

Kooxda Manchester United ayaa intii xili ciyaareedkan lagu soo jiray waxaa si xoogan loola xidhiidhinayaa tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane kaas oo aan wax shaqo ah hayn tan iyo markii uu si layaableh iskaga casilay shaqada Madrid dhamaadkii xili ciyaareedkii hore balse xaalada xun ee uu Jose Mourinho ku jiro ayaa Zidane dareen badan galisay.

Xidigii hore ee kooxda Manchester United ee Paul Ince ayaa sheegay in haddaba uu Zinedine Zidane garanayo qorshaha ciyaareed ee uu ka hirgalin doono Manchester United marka uu badalo macalinka rafaadsan ee Jose Mourinho kaas oo u muuqda mid shaqadiisa lumin doona.

Inkasta oo gudoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed woorward uu ka meeraysanayo in tababare saddexaad oo uu magacaabay Sir Alex Ferguson kadib uu fashilmo isla markaana uu wali raadinayo in Jose Mourinho uu xaalada badali karo, haddana xaalada United ayaa keenaysa in ay sii diyaarsato badalka Mourinho haddii ay xaaladu ka soo rayn waydo.

Xidigii hore ee Man United ee Paul Ince oo Zidane ka hadlaya ayaa yidhi: “Zizou wax fiican ayuu ka sameeyay madrid, wuu yimid oo uu ku guulaystay Champins League-ba Champions League-gii uu ka danbeeyay kaliya waa cajiib”.

Paul Ince oo ka hadlaya hanaanka ciyaareed ee Zidane uu Madrid ku soo maamulay iyo sida ayna hadda United hanaan ciyaareed oo gaar ah u lahayn ayaa yidhi: “Isagu hanaan ayuu Madrid ku lahaa, waxayna waxa ugu fiican ka soo saartay ciyaartoyda weerarka, u ciyaarista hanaanka ciyaareed ee Zidane ayaa iyaga dhinaca dhigay, aniga ahaana muhiim ayay ahayd. Eeg hadda United,  ma laha hab loo ciyaaro”.

Paul Ince oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Zidane waxa uu ka sameeyay Real isla markaanka haddii uu shaqada United helo waxaan arkayaa isaga oo hanaan la mid ah isticmaalaya”.

Ugu danbayn Paul Ince ayaa aaminsan in ciyaartoyda Man United ay wali badbaadin karaan Jose Mourinho wuxuuna yidhi: “Eeg, anigu wali waxaan filayaa in uu isagu dhinaca kale u dhigi karo, laakiin waxay ciyaartoydu u baahan yihiin in ay gaadhsiiyaan, eeg Alexis Sanchez iyo Pual Pogba”.