Hadalkii Uu Dani Alves Dhagta Ugu Sheegay Kuna Samarsiiyay Neymar Dhamaadkii Ciyaarta Oo La Ogaaday.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Apr 20, 2017

Dani Alves ayaa saxaafadda la wadaagay wixii uu dhagta ugu sheegay Neymar oo ooyin jabsaday markii Barceona xalay laga reebay tartanka Champions League, Alves ayaana ka mid ahaa xidigahii xalay ee sida daran u bartilmaameedsaday xidiga reer Brazil.

Juventus waxey isku cel-celis ahaan 3-0 kaga reebtay tartanka Champions League kooxda Barcelona, waana markii sadexaad oo sidaan dhacdo 10-kii sano ee ugu dambeeyay in Balaugrana oo aan shabaqa gaarin laga reebo tartanka.

Dani Alves oo la hadlay saxaafadda kadib dhamaadkii ciyaarta ayaa yiri: “Waxaan u sheegay iney tani tahay wax nolosha la xiriira – Waana sida ay tahay” isagoo la hadlayay beIN Sport.

“Ma doonayo inaan nolosheyda ku cabiro midaan, waan soo maray waqtigaan oo kale balse waqtigaan waan kala qeybsanahay sidaas darteed waa mid aad u adag”

“Waa inaan diirada saarno shaqadeena, balse dareenka wuu jiraa”

Si kastaba Alves oo 33-jir ah ayaa ku sugnaa Camp Nou 2008 ilaa 2016, wuxuuna ku dhawaaday inuu 400 kulan u safto kooxda ka dhisan Catalan, wuxuuna sadex jeer la qaaday koobka Champions League.

Ugu dambeyntii Alves ayaa doonaya inuu koobkiisii afaraad ee Champions League ku guuleysto, balse waxaa ka hor taagan Real, Ateltico iyo Monaco.