Gudoomiyaha Bayern Munich Ee Karl-Heinz Rummenigge Oo Ka Hadlay Wararkii Kooxdiisa La Xidhiidhinayay Cristiano Ronaldo.

by Mohamoud Batalaale | Monday, Jun 19, 2017

Gudoomiyaha kooxda Bayern Munich ahna madax waynaha ururka kooxaha Yurub ku midaysan yihiin ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka hadlay wararkii xanta suuqa ee sheegayay in Carlo Ancelotti iyo Cristaino Ronaldo ay markale kuwada shaqayn doonaan Allainz Arena.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in ayna kooxdiisu caadiyan ka jawaabin wararka xanta suuqa balse waxa uu khaas ka soo reebay wararka Cristiano Ronaldo la xidhiidhinayay Bayern Munich kuwaas oo uu sheegay in ay yihiin warar aan sal lahayn.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay in kooxdiisa caado looga dhigay in lala xidhiidhiyo ciyaartoyda suuqa kala iibsiga lagu hadal hayo si la mid ah kuwa kooxdiisa ka tirsan wuxuuna sheegay in ay tahay sheekada boqortooyada ee kooxdiisa Bavaria.

Karl-Heinz Rummenigge oo wararka Ronaldo kooxdiisa la xidhiidhinaayay ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaa caado noo noqotay in soo xoogan la noola xidhiidhiyo suurtogalnimada bixitaanada iyo kuwa imanaya inta lagu jiro waqtiga suuqa kala iibsiga”.

Karl-Heinz Rummenigge oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sharci ahaan anagu kama hadalno wararka xanta suuqa, laakiin hadda arinta Ronaldo waxaanu doonaynaa in aanu kala cadayno hal mar iyo dhamaanba in warkan xanta ahi aanu ahayn mid sal leh waxaana qasab ah in ay la xidhiidho sheekada boqortinimada”.

Hadalka Karl-Heinz Rummenigge ayaa meesha ka saaraya wararkii sheegayay in Bayern Munich ay qayb ka tahay kooxaha PSG, Man United iyo AC Milan ee la soo qaaday magacyadooda tan iyo markii uu Cristiano Ronaldo cadaystay in uu Bernabeu ka baxayo.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments