“Griezmann Waa Harqaanka Dal Daloolada Suarez Iyo Messi,” – Glenn Hoddle

by Jaalle | Thursday, May 17, 2018

ANTOINE GRIEZMANN waxaa loo arkaa harqaan/sharqaankii toil lahaa dul duleelada yar yare e Lionel Messi iyo Luis Suarez, sidaas waxaa qaba Glenn Hoddle oo ah fallanqeeye ka tirsan ITV.

Griezmann aad ayaa loola xiriirinayey Barcelona kuwaas oo doonaya in ay meesha ka saaraan Ousmane Dembele kaddib ol’ole liitay.

Laacibka reer France, Griezmann ol’ole kale oo wanaagsan ayuu ku qaatay Atletico Madrid isaga oo ku hoggaamiyey hanashada Europa League oo uu kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Marseille laba ka mida dhaliyey.

Kaddib markii uu koobakan laba jeer afar sano ku qaaday waxa uu Griezmann doonayaa wax ka weyn.

Hoddle waxa uu callaamadiyey xawaare yaridda Suarez iyo Messi oo ay ka luntay orodkii uu dadka ku dhaafi jiray, waa sababta uu u arko Griezmann uu Barcelona ku biiraya.

“Waa ciyaaryan Barcelona qaabka uu banooniga u qaato waxa uuna ku ciyaaraa goobaha yar yar,” ayuu Hoddle yiri kaddib kulankii xalay.

“Xawaare ayuu leeyahay.

“Barca waxa ay la’dahay waa halkaas. Syarez ma dheereeyo, Messi isna ma sameenayo orodkii lagu yaqaanay ee ciyaaryahanada gadaashooda.

“Waxa uu siin doonnaa xawaarahaas 10 yaardi ee ugu dambeeya.”

148 Shares