Goormaa La Samayn Doonaa Isku Aadka Afar Dhamaadka Leauqe Cupka? Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Isku Aadka EFL Cupka.

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Nov 29, 2016

Waxaa soo dhawaanaya marka ay kooxaha iskugu soo hadhay tartanka English Football Leaque Cupku ay koobka ugu horeeya ee xili ciyaareedkan u tartami karaan, waxaana haddaba jira sideed kooxood oo fursad u haysta in ay koobkan ku guulaysan karaan. Laakiin arbacada waxaa iskugu soo hadhi doona afar kooxood oo kaliya kuwaas oo mid ka mid ahi ay koobka ku gulaysan doonto.efl-cup

Iyada oo caawa iyo habeen danbe la ciyaari doono kulamada sideed dhamaadka EFL Cupka waxayna kooxa koobkan xili ciyaareedkii h--e ku gulaysatay ahayd Manchester City oo Manuel Pellegrini macasalaamayn uga dhigtay laakiin kooxda Etihad Stadium ka dhisan ayaan qayb ka ahayn kooxaha sanadkan soo gadahay sideed dhamaadka EFL Cupka waxaana koobkan ka cidhibtirtay Man United.plegrini

Liverpool oo xili ciyaareedkii h--e finalka timid, Arsenal iyo Man United ayaa ka soo hadhay kooxaha waa wayn ee PL iyada oo Chelsea iyo Manchester City ay ku hadheen wareegii 16 ka kooxood ee EFL Cupka.

Haddaba Goorma Ayaa La Samayn Doonaa Isku Aadka English Football Leaque Cupka?

Koobkan magacyada badan loo soo bixiyay oo h--e loo odhan jiray Carling Cup, Capital One Cupka iyo Leaque Cup isla markaana hadda loo bixiyay English Football Leaque Cupka ayaa isku aadkiisa afar dhamaadka la samayn doonaa arbacada, November 3, isla marka ay dhamaato ciyaarta Old Traffrod ku dhex mari doonta kooxaha Manchester United iyo West Ham United  waxayna ciyaartu bilaami doontaa 8:00 PM ee sacada London.

Halkan Ka Daawan Karaa Isku Aadka Afar Dhamaadka EFL Cupka?

Waxaa si toos ah isku aadka afar dhamaadka EFL Cupka u tabin doona Sky Sports laakiin haddii ayna suurtogal kuu ahayn in aad daawato waxaanu diyaar u nahay in isla daqiiqada la soo saaro isku aadka aanu insha Allah soo daabici doono oo aad ka bogan kartaan.

Waa Kuwee Kooxaha Isku Aadka Qaynta Ka Noqon Karaa?

Waxaa jira 8 kooxood oo wali fursad u haysta in ay qayb ka noqon karaan isku aadka afar dhamaadka EFL Cupka laakiin afar ka mid ah ayaa loo samayn doonaa isku aadka waxayna kooxuhu ka soo bixi doonaan kulamada hoose:

Liverpool vs Leeds United

Manchester United vs West Ham

Hull City vs Newcastle

Arsenal vs Southampton

Goorma Ayaa La Ciyaari Doonaa Kulamada Afar Dhamaadka EFL Cupka?

Sidii caadada ahayd waxaa la ciyaari doonaa kulamo laba lugoodleh ah waxaana kulamada lugta h--e la ciyaari doonaa todobaadka ka bilaami doona January 9,2017 halka kulamada lugta labaad la ciyaari doono todobaadka ka bilaamid oona January 23,2017.

Goorma Ayaa La Ciyaari Doonaa Finalka EFL Cupka, Halkuuse Ka Dhici Doonaa?

Finalka EFL Cupka ayaa sanad kasta lagu qabtaa garoonka xulka qaranka England ee Wembeley Stadium, waxaana la ciyaari doonaa Februay 26 iyada oo markaas kooxda ugu horaysa ee England ahi ay koob ku guulaysan doonto xili ciyaareedkan.

Like it? Share it!

Leave A Response