Goorma Ayey Juventus Soo Bandhigi Doontaa Cristiano Ronaldo?

Cristiano Ronaldo waxaa la soo bandhigi doonaa 16-ka Luulyo.

Laacibka reer Portugal waxa uu toddobaadkii hore si lama filaan ah Juventus uga soo biiray Real Madrid isaga oo so gaba gabeeyey 9 sagaal sano oo uu ku sugnaa Bernabeu.

Waxaa saxaafadda loogu soo bandhigi doonaa Juventus Stadium saacadda marka ay Bariga Africa tahay 7:30 fiidnimo.

Ronaldo waxa uu dhaliyey 451 gool 438 kulan oo uu u saftay Los Blancos, waxa uu kula guuleystay saddex Champions League oo xiriir ah.

Cristiano Ronaldo waxa uu dunida kaga yaabiyey go’aankaas uu qaatay ee uu Talyaaniga ku aaday balse waxaa jiray sababo dhawr ah oo is biirsaday.

Isaga oo dhawr jeer oo hore si shaaric ah u caddeeyey in uu ka tagayo Real Madrid, hadana waxaa xaliyey oo dalabyadiisa ka jawaabi jiray madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Hase ahaatee, habeenkii ay ruxeen Champions League-gii saddexaad ee ay Liverpool uga qaadeen Kiev, Cristiano Ronaldo waxa uu sheegay hadal noqon doona kiisii ugu dambeeyey ee uu mawduuca bixitaankiisa la xiriira.

Sababta ugu weyn ayaa la fahansan yahay in ay tahay diidmada Perez ee ah in la siiyo mushaar le’eg inta ay qaataan Neymar iyo Lionel Messi iyada oo ay Madrid u aragtay waqtigii ku habboonaa ee uu nolo cusub bilaabi lahaa.

Neymar, Kane, Mbappe iyo Hazard ayaa la hadal hayaa in mid ka mida bedeli doono Cristiano Ronaldo.