Goolhaye Thibaut Courtois Oo Wadahadal Heshiis Kordhin Ah La Furay Chelsea Sida Ay Ogaadeen Warbaahinta Ingiriiska.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Chelsea ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay goolhaye Thibaut Courtois sida ay ogaatay Sky Sports.

Laba sanadood ayaa kaga haray qandaraaskiisa kooxda ka dhisan galbeedka London sidoo kalana wuxuu soo jiitay Real Madrid.

Sky Sports ayaa fahansan in Courtois oo laba jeer kula guuleystay Chelsea horyaalka Premier League tan iyo markii uu kusoo biiray Blues 2011 uu doonayo inuu baaqi kusii ahaado Stamford Bridge.

“Hadii Chelsea ay dooneyso iney noqoto kooxda ugu fiican, waxey u baahan yahiin ciyaartoyda ugu wanaagsan Courtois-na waa mid ka mid ah” ayey ku warameen ilo wareedyada ay heshay Sky Sports.

Si kastaba goolhayahii amaahda kusoo qaatay Atletico Madrid ayaa kasoo muuqday Blues 37-kulan dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna door weyn ku leeyahay ku guuleysiga horyaalka Premier League iyo in kooxda tiigsato final-ka FA Cup.

Kulankii ay kooxdiisa 4-3 kaga adkaatay Watford waa la nasiyay, sidoo kalana waxaa macquul ah inuu seego kulanka Sunderland ee ugu dambeeya horyaalka Premier League.

Ugu dambeyntii Blues kaliya waxey u baahan tahay iney si weyn isugu diyaariso kulanka 27-ka May ay la ciyaari doonto Arsenal – final-ka FA Cup.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments