Goolhaye Gianluigi Buffon Oo Shaaca Ka Qaaday Labada Kooxood Ee Uu Doonayo In Juventus Ay La Ciyaarto Afar Dhamaadka Champions Leaque-ga Iyo Sababta Uu Kooxda Kale Ku Diiday Oo Cajiib Ah.

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Apr 20, 2017

Juventus ayaa si cajiib ah uga soo badbaaday imtixaankii kulamadii Barcelona ee siddeed dhamaadka Champions Leaque-ga waxayna kooxda Max Allegri ka mid noqotay afarta kooxood ee u soo baxay afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Goolhayaha Juventus ee Gianluigi Buffon ayaa sii kala doortay kooxaha uu doonayo in Old Lady lagu aadiyo afar dhamadka Champions Leaque-ga wuxuuna waliba sharaxay sababta uu u diiday in kooxda kale ee soo hadhay ay Juvnetus la ciyaarto.

Gianluigi Buffon oo wali ku hamiyaya in uu ku guulaysto koobka Champions Leaque-ga ayaa sheegay in uu jecel yahay in Juventus lagu aadiyo Real Madrid ama AS Monaco balse waxa uu walaac wayn ka muujiyay kooxda Diego Simeone ee Ateltico Madrid.

Gianluigi Buffon ayaa si khibradaysan u sharaxay sababta wuxuuna sheegay in Real Madrid iyo AS Monaco ay ku tartamayaan koobabka horyaalada Spain iyo France balse Ateltico Madrid ay helayso fursad ay  ciyaartoydeeda ku nasin karto isla markaana ay iyaga oo waqti badan nastay kula ciyaari karaan Juventus.

Gianluigi Buffon oo kala dooranaya saddexda kooxood ee Juventus kula tartamaya Champions Leaque-ga ayaa yidhi: ” Laga yaabee in ay ka fiican tahay in aanu la kulano Monaco ama Real Madrid kuwaas oo tamar aad u badan ku bixin doona dagaalka horyaalka. Wax yar ayay isbadal ku samayn doonaan shaxahooda marka la barbar dhigo Atletico kuwaas oo boos aad u qeexan kaga jira miiska horyaalka wayna maamuli karaan”.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments