Goobtii Ay Real Madrid Ugu Dabaal Dagi Laheyd Hanashada Horyaalka La Liga Oo Lasii Diyaariyay Mase Ahan Santiago Bernabeu.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

Filashada ah in Real Madrid qaado koobkeedii 33-aad ee horyaalka Spain ayaa ah mid aad u sareysa waxaana lasii diyaariyay qorshaha dabaal dagga kaas oo ka dhici doona banaanka dhismaha Cibeles oo ay dhawr jeer kooxda boqortooyada ku dabaal dagtay.

Xafladaan maahan mid mar walba hirgali karta balse waxey ku xiran tahay hadii natiijo wanaagsan laga helo ciyaarta ay Real Madrid martida u tahay Malaga.

Hadii Madrid ay noqoto horyaalka Spain, kooxda waxey booqan doontaa Cibeles isla maalinta Axadda waqtiga dambe inkastoo kulanka uu dhamaan doono 10:00 pm.

Safka ciyaartoyda waxey u duuli doonaan Madrid gaar ahaan waxey tagi doonaan Cibeles halkaas oo ay kula kulmi doonaan kumanaan Madridista ah kuwaas oo kusii diyaar garoobi doona ka hor ciyaarta – waxaana xusid mudan in labadii koob ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub halkaas loogu dabaal dagay.

Qof walba wuxuu rumeysan yahay in Isniinta uusan wax dabaal dag ah ka jiri doonin garoonka Santiago Bernabeu, waana la baajiyay tan iyo inta ay kooxda kasoo xerogalineyso koobka Champions League ee ay horaanta June kula balansan yahiin Juventus.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments