GO’AAN: Jamaahiirta Kubbada Cagta Aduunka Oo Cod Ku Kala Doortay Labada Goolhaye Ee Aduunka Ugu Qaalisan Ee Alisson Becker & Kepa Arrizabalaga-Midkee Codka Ugu Badan Helay?

Xili suuqa xagaagan waxaa lagu xuususan doonaa in uu noqday suuqii rekoodhka aduunka ee goolhayayaasha kadib markii ay kooxaha Liverpool iyo Chelsea si deg deg ah u jabiyeen isla markaana ay rekoodho cusub ugu dhigeen saxiixyadii Alisson Becker iyo Alisson Becker & Kepa Arrizabalaga iyaga oo hadda noqday labada goolhaye ee taariikhda kubbada cagta aduunka ugu qaalisan.

Liverpool ayaa markii hore Alisson ku dhigtay rekoodh taariikhi ah kadib markii ay 72.8 milyan euros ay kagala soo wareegtay AS Roma waxaana loo arkayay in uu yahay rekoodh ay adag tahay in sanado badan la gaadhi doono laakiin iyada oo aan waqti badan ka soo wareegin ayay Chelsea bixisay lacagta lagu burburin karayay heshiiska Kepa oo ahayd 80 milyan euros.

Goolhaye Kepa ayaa isku soo muujiyay kooxda Athletic Bilbao isaga oo goolhayaha labaad ka noqday xulka qarankiisa Spain halka Alisson uu isna si buuxda iskugu soo muujiyay kooxda Roma isla markaana uu noqday goolhayaha kowaad ee xulka qaranka Brazil.

Haddaba codbixin uu jamaahiirta kubbada cagta ka sameeyay GiveMeSport ayaa lagu go’aamiyay midka ay u xulan lahaayeen shaxda kooxooda waxaana muuqda kala duwanaasho aad u wayn oo ka soo muuqday codbixintan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa natiijada sahanka ama codbixintan iyada oo ay ka qayb qaateen 31,100 kun oo taageere aduunka ah waxayna cod aqlabiyad ah ku doorteen in Alisson uu yahay goolhayaha ay la soo saxiixan lahaayeen.

Boqolkiiba 74% ka mid ah 31,100 kun ee taageere ee codbixintan ka qayb galay ayaa u codeeyay Alisson halka boqolkiiba 26% ay u codeeyeen in Kepa ay la soo saxiixan lahaayeen.

Goolhaye Alisson ayaa booska kowaad kala baxay Loris Karius iyo Simon Mignolet halka goolhaye Kepa uu badal toos ah u noqon doono Thibaut Courtois oo Real Madrid ku biiray iyada oo labada goolhaye ee aduunka ugu qaalisani ay diyaar u yihiin in ay bilawdaan xili ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee Premier league.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in qalad kasta oo ay sameeyaan Alisson Becker iyo Kepa ay noqon doonaan kuwo si wayn isha loogu hayn doono isla markaana ay ku maadsan doonaan jamaahiirta kubbada cagtu iyada oo markasta la xusuusan doono lacagta qaaliga ah ee laga soo bixiyay.

Haddaba adigu akhriste, Alisson Beckeer iyo Kepa midkee ayaad kooxdaada goolhaye uga dhigi lahayd haddii aanad  taageero u ahayn Chelsea ama Liverpool oo ay haddaba ka tirsan yihiin?.

14 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. Waxan dooran lahaa kepa waayo waa gool hye is muujiyay isaga oon ciyaarin champion iyo wax u dhow toona oo waliba jooga team aad u yar alisonna isaga oo haystay cayaartoy tayo leh ayaanu marna ilaashan jirin shabagiisa markaa tookha kowaad waxn siiyay kepa

  2. Kepa is the best
    Alison waxba majiraan Liverpool ayaa horay iyo gadaalba kamartay hhh 7goool mx waaye dabada furan kaas

  3. Kepa means keeping your ball bro kepa naadiyuusan joogine waa mr saves united oo soodhacay mafahantay alison sow kii kullankii liverpool 7goal home iyo awayga laga dhashay sow maaha Zxp marka kepa best goalkeeper of epl hhhhhhhhhkkkkk

  4. Aniga ahaan kepa val daawada saves kii uu sameeyey siiba labada laacib ee aduunka messi iyo ronaldo waxaan hubaa in kepa yahey the best xataa wuu ka fududyey wuu ka bootin dheeryey
    Xataa waxa suuragal ah in courtois uu nooga fiicnaado future ka

  5. Alisson kepa labo Las barbar dhigi karo mahan alisson waa boorte calami ah mesha aad ka ladahy Roma 7 gool baa laga dhaliyey championkii ader far keliya fool ma dhaqdo 15 kapa hom iyo away kama yara teen haduu Roma joogi lahaa bal tib u fiiri cayartiii Roma iyo Liverpool inta gool ee uu sef gareety

  6. Kepa Arizabalaga Ayaan ka dhigtan lahaa Dookha Koowaad Waayo Allison Champion kiina Roma Wuuka Reebay Oo CelCeliskii Liverpool Waxay Ka dhalisey 5 gool Oo Mar ah Iyo Mar 2 ah celcelis Home Iyo away 7 gool ayaa laga dhaliyey Makaasaa Gool Gashadaa

Comments are closed.