Gerard Pique Oo Weerar Ku Qaaday Jamaahiirta Real Madrid Ka Hor Kulanka El Clasico Ee Axada

by Saed Balaleti | Friday, Apr 21, 2017

Gerard Piqué ayaa bogiisa Tiwtter waxa uu soo dhigay qoraal uu ku durayo jamaahiirta Real Madrid isagoo ka hadlayay falcelintii ay sameeyeen taageerayaasha Barcelona kulankii Camp Nou ee ay kaga hareen Champions League habeenkii Arbacada.

Daafaca dhexe ayaa soo qoray: “Dadka qaar waa ay i dhibtaa inay arkaan sida jamaahiirta Camp Nou ay ugu sacbiyeen kooxdooda inkastoo aan harnay. Iyagana (Real Madrid) waxa ay u barteen in lagu fooriyo inkastoo ay semi-finalka u soo baxeen.”

Qoraalkaas ayaa ahaa mid uu ku durayo taageerayaasha Real Madrid kuwaasoo bilaabay inay ku fooriyaan Cristiano Ronaldo ka hor inta uusan weeraryahanka reer Portugal dhalinin seddexleey habeenkii Talaadada.

Ka dib guushii ay Real Madrid kaga gaartay Bayern Munich garoonka Bernabeu, Pique ayaa sidoo kale su’aal ka keenay qaabka ay ku soo baxday kooxda Los Blancos iyadoo labo gool ay dhaliyeen ay ahaayeen kuwa garab dhaaf ah.

Waxaa haatan hubaal ah in Pique uu carro badan kala kulmi doono Axada taageerayaasha martida loo yahay ee Bernabeu marka kulanka El Clasico la ciyaarayo.