Gerard Pique Oo Si Maldahan Twitter-ka Ugu Weeraray Real & Sergio Ramos Oo Si Adag Ugu Jawaabay Soona Xasuusiyay Kulankii PSG.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Sergio Ramos ayaa dib isaga weeraray daafaca Barcelona Gerard Pique kaas oo warbixin dahsoon oo ka dhan ah Madrid soo dhigay baartiisa twitter-ka intii ay socotay ciyaarti ay Los Blancos 4-2 kaga adkaatay Bayern Munich.

Zinedine Zidane iyo wiilashiisa waxey heleen guul weyn kulan u baahday waqti dheeri ah, Ronaldo ayaana dhameystiray sadexley isagoo 100 gool ka dhaliyay koobka Champions League.

Madrid guul weyn ayey gaartay waxeyna iska xaadiriyeen semi finalka inkastoo go’aanno garsoore oo muran badan dhaliyay ay guusha ku heleen, garsoore Viktor Kassai ayaa casaan daciif ah siiyay Arturo Vidal sida saxaafadda caalamka ay qortay, sidoo kalana labada gool ee Ronaldo ee 2-2 iyo 3-2 ka dhigay ciyaarta ay u muuqdeen kuwa garab dhaaf ah (Offside).

Si kastaba daafaca Catalonia 32-jirka ayaa warbixintii uu soo dhigay bartiisa twitter-ka u muuqatay inuu ku tilmaamayo go’aanada garsoore waxeyna ku aadaneed xiliga uu Ronaldo dhaliyay goolkiisa labaad ee kulanka ciyaartana ka dhigay 2-2.

Daafacii hore Manchester United wuxuu soo qoray kaliya “…” bale in ka badan 100 kun jawaabood ayuu ka helay taageerayaal kala duwan.

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa la weydiiyay kadib dhamaadkii ciyaarta waxa kaga aadan dhigiisa Gerard Pique, wuxuuna durba soo hadal qaaday in Barcelona ay tahay kooxda mar walba garabka ka hesha garsoorka.

“Maahan wax cusub, mana la yaabin” Ayuu yiri Sergio Ramos.

“Waxey aheyd inuu dib u laabto soona eego kulankii PSG, arag hadii uu fikirkaan oo kale ka heysto garsooraha”

“Waan ku xushmeynayaa qof walba aragtidiisa, balse ma garan karo tuuganimada ay ka hadlayaan”

“Mararka qaar garsooraha wuu ku siinayaa, kuwa kalan wuu ka qaadayaa”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments