Gerard Pique Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Go’aanka Uga Gaadhay Xulka Qarankiisa Spain Isaga Oo Meesha Ka Saaray Waxyaabo Saxaafada Spain Qortay

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Difaaca xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta dhabta ah ee ku qasabtay in uu go’aan ku gaadhay ka fadhiisashada ciyaaraha caalamiga ah marka uu dhamaado koobka aduunka 2018 wuxuuna meesha ka saaray war ay saxaafada Spain qortay oo sheegayay in Pique uu xulka qarankiisa Spain uga fadhiisanayo waxyaabo ay isaga ka qoreen wargayska Madrid ka soo baxa ee AS , OK Diario iyo Marca.

Pique ayaa sheegay in marka uu dhamaado koobka aduunka 2018 in uu markaas ay da’diisu noqon doonto 31 sano jir isla markaana ay doorashada ugu fiican tahay in uu soo gabagabeeyo waayihiisa ciyaareed ee xulka qarankiisa Spain oo uu door wayn ka soo ciyaaray.

Pique oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kualnka Manchester City ayaa yidhi: “Waxaan akhriyay in Twitterka, Marca iyo AS ay aniga igu qasbeen in aan ka baxo kooxda xulka qaranka Spain ama wargayska uu maamulo Folrentino Perez ee OK Diario uu dibada ii tuuray, laakiin taasi arintu ma aha”.

Pique oo ka hadlaya go’aankii uu gaadhay ayaa yidhi: “Waxa uu ahaa go’aan aan u qaatay in aan noqon doono 31 sano jir isla markaana waxaan ka fikiray in uu yahay doorashada ugu fiican. Kadib koobka aduunka, oo aan ka soo qaadayo in aanu u soo baxnay, waxaan doonayaa in jiilalka kale ay qataan booska aan ku fadhiyo”.

Like it? Share it!

Leave A Response