Gerard Pique Oo Kusoo Laabtay Tababarka Barcelona – Miyuu Wajahi Karaa Eibar Kulanka Ugu Dambeya Horyaalka.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, May 19, 2017

War wanaagsan ayaa usoo yeeraya jamaahiirta Barcelona madama uu tababarka buuxa kusoo laabtay daafacooda muhiimka ah Gerard Pique kaas oo xanuun ku seegay kulankii Las Palmas ee todobaadkaan.

Daafaca buuxa ee Balaugrana ayaa haatan qarka u saaran inuu kasoo muuqdo kulanka ay wajahi doonaan Eibar waana kulan ay u baahan yahiin guul si ay ugu yaraan natiijo xun uga sugaan Real Madrid oo la ciyaareysa Malaga.

Javier Mascherano ayaa wali la dhibtoonaya dhaawac dhanka muruqa kasoo gaaray, waxaana laga saaray safka hore ee Barcelona kulankii Las Palmas.

Waaya aragga Argentina ayaa si adag u shaqeynaya si uu ugu yaraan uga soo muuqdo kuulanka kama dambeysta tartanka Copa del Rey markaas oo ay la ciyaarayaan dhamaadka bishaan Deportivo Alaves.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments