Gerard Pique Iyo Shakira Oo Si Xun Loogu Aflagaadeeyay Garoonka Mastella & Real Madrid Oo Qudheeda Loogu Gafay Kulankii Alaves.

Maamulka horyaalka La Liga ayaa soo saaray warbixin isbuuceedka ku saabsan waxyaabahii ka dhacay kulamada horyaalka, warbixintaan waxey u gudbiyeen xiriirka kubadda cagta Spain iyo sidoo kale gudiga la dagaalanka qalalaasaha ee Spain, warbixinada la gudbiyay waxey tilmaamayaan aflagaadooyin loo geystay Gerard Pique, Shakira iyo sidoo kale Real Madrid.

Warbixinta hore ee lasoo gudbiyay waxey tahay in garoonka Mastella si xun loogu bahdilay daafaca aan aadka looga jecleyn Spain inteeda badan ee Gerard Pique iyo sidoo kale gabadha bah-wadaaga la ah ee Shakira.

Sida lagu sheegay warbixinta ilaa iyo 1,000 kun taageerayaal ah ayaa si agaasiman isugu xilqaamay iney si wadajir ah u aflagaadeeyaan Pique iyo Shakira, xogta waxey sheegeysaa iney taageerayaashaan loo yaqaano Curva Nord ay fadhiyeen qeybta (MA kempes) ee goolka koofureed.

Waxey ku heeseen: “Pique waxaa tahay w**c**l, Shakira waxey leedahay d*bo, wiilkaaga waa w**c**l, adigana waxaa tahay qa**n**s”

Waxey warbixinta sheegtay in heestaan aysan la wadaagin taageerayaasha kale ee garoonka, sidoo kale isla kooxdii ayaa daqiiqadii 35-aad kusoo celisay heesta aflagaadada ah oo ay u diyaariyeen qoyska Gerard Pique.

Dhinaca kale ilaa iyo 1,500 taageerayaasha kooxda Alaves ayaa aflagaado u geystay magaca kooxda Real Madrid intii ay socotay ciyaartii todobaadkaan, taasoo aheyd mid ay guuldareysatay kooxda caasimadda ee difaacaneysa tartanka yurub.

Taageerayaal fadhiyay qeybta Fondo Polideportivo, ayaa ku heesay f**king Real Madrid, si agaasiman ayeyna 10 ilbiriqsi sidaas iskula jiibiyeen, lix jeer ayaa lagu soo celceliyay sidoo kalana inta kale ee ka mid ah taageerayaasha lama qabin.