Gerard Pique: El Classico Waa Inoo Nolol Iyo Geeri Halka Uu Madrid U Yahay Kulan

by Abdirahman Qoslaaye | Tuesday, Nov 29, 2016

Gerard Pique ayaa qirtay in El Clasico uu si weyn ugu muhiimsan yahay Kooxda Barcelona in ka badan inta uu muhiim u yahay Real Madrid wuxuuna kooxdiisa uga digay ineysan markale ka kicin dib u dhac ku yimaada.

Madrid ayaa xili ciyaareed aad uga duwa kan Barcelona qaadanaya waxayna hogaaminayaan horyaalka La Liga waxayna lix dhibcood ka sareeyaan dhigooda ka hor kulanka Camp Nou halka Kooxda Luis Enrique ay ku adkaaneyso iney xili ciyaareedkii sadexaad oo xiriir ah difaacdaan La Liga waxayna kulankoodii ugu danbeeyay si nasiib ah dhibic ugula soo badbaadeen Real Sociedad waxayna haatan u baahan yihiin iney sadexda dhibcood ka qaataan hogaamiyeyaasha horyaalka si ay u soo yareeyaan farqiga dhibcaha ee labada koox u dhexeeya.

gerard-pique

Pique ayaa yiri “Anaga ayuu kulankaan si weyn inoogu muhiimsan yahay in ka badan iyaga, sababtoo ah hadii ay adkaadaan, waxay hogaanka ku qaban doonaa SAGAAL dhibcood oo nadiif ah taasoo dhibaato nagu noqon karto” ayuu u sheegay Mundo Deportivo.

Kadib markii ay markale la kulmeen inkaartii Anoeta Pique ayaa si kulul u canbaareeyay saaxiibadiisa Kooxda laakin wuxuu haatan dajiyay xaalada wuxuuna yiri “Waan qaldanaa, markii aan haatan dagay, oo aan qubeystay, waxaan ogaaday inaan xaalad qaldan ku jiray oo ana hadii aan ka adkaano iyaga sabtiga ay xaalada is badali karto”.

Like it? Share it!

4 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. abdisamed 29-11-2016 at 10:24 pm - Reply

    ma noqon doonto real madrid si u adaga real socieded lkin wx ay awoodaan in ay shabaqooda ilaashadaan siiba marka El clasico lasoo hadal qaado gabigaba waa difaacasho kali ah real madrid illaa inta gool laga dhalinayo haddii gool laga dhaliyanawxey isku badalaan bahalo gaajeysan oo wxa ay so ban dhigaan ciyaad aad odhanayso may marhore sidaa u ciyaaraan hhhhh
    lkin wxn filayaa 1-1 iney ku dhammaan doonto hana u saadaalin Ronaldo wayo wey ku adkaan doonta taasi

  2. cumar daud 29-11-2016 at 8:26 pm - Reply

    reel waaa bikh abti adaaana bootoola
    miyaaa
    la gaadhi
    karaaa
    barcelona

  3. Mustafa ataa turk 29-11-2016 at 5:33 pm - Reply

    LipaaX pique xalka daji
    kuwan messi oo maqan ayaa 4 ku garacNay walipa garoonKoda
    Hada 3 dhipiC Hada banaanka waye
    msn wAa JoGan hayeey

  4. Amiin farah 29-11-2016 at 5:03 pm - Reply

    botolee botu mesha kuuhayaa iyoo hanjabad
    Marna magadhii karaan Hal madrid

Leave A Response