Gennaro Gattuso Oo Kala Doortay Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Iyo Luka Modric Midka Uu Jeclaan Lahaa Inuu Ka Garab Ciyaaro

Tababaraha kooxda kubadda cagta AC Milan, Gennaro Gattuso ayaa kala doortay xiddigaha wakhtiga dheer dooddoodu taagnayd ee Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi oo uu kusoo daray laacibka khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Luka Modric.

Gattuso oo wakhtigii uu ciyaaraha ku jiray ka mid ahaa laacibiinta ugu wanaagsan ee aan taariikhda AC Milan laga tiri karayn, ayaa waxa uu wadaa qorshe uu dib ugu dhisayo kooxdiisii hore oo xili ciyaareedkii hore uu u noqday tababare kaddib sannado badan oo hoos u dhac ah.

Gennaro Gattuso oo u warramay shabakadda xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA.com, ayaa waxa uu caddeeyey ciyaartoyga uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro wakhtigii uu ciyaartoyga ahaa, amaba haddii ay dhici lahayd inuu fursad ciyaareed u helo.

“Qof walba wuxuu sheegaa inuu jeclaan lahaa inuu la ciyaaro Cristiano Ronaldo ama Messi, laakiin anigu waxaan jeclaan lahaa Modric.” Sidaas ayuu yidhi Luka Modric oo tibaaxay in Luka Modric uu waxyaabo badan kaga duwan yahay Ronaldo iyo Messi.

Gattuso waxa uu xusay in marka laga yimaado ciyaartiisa uu Modric leeyahay aragti dheer oo ciyaarta uu ku akhriyo, waxaanu yidhi: “Modric waa ciyaartoy cajiib ah, marka aad eegto sida uu ciyaarta u akhriyo iyo sida uu u ciyaaraba”.

Luka Modric oo dhowaan ku guuleystay xiddiga ugu fiican dunida ee FIFA iyo xiddigii ugu wanaagsanaa qaaradda Yurub iyo weliba laacibkii Koobka Adduunka ayaa waxa uu ku tartamayaa abaal-marinta Ballon d’Or oo bisha December la bixin doono.