Gary Neville Oo Ka Hadlay Saadaashiisa Hanashada Horyaalka Premier League Ee Xilli Ciyaareedka Soo Socda & Magaalada Koobka La Geyn Doono

by Saed Balaleti | Monday, Jul 17, 2017

Gary Neville ayaa aaminsan in kooxda saxiixyada ugu fiican sameysa xagaagan inay ku guuleysan doonto horyaalka, waxaana uu filanayaa inay noqoto kooxdaas midkood labada kooxood ee Manchester.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ciyaareysa iyagoo ah kooxda difaacaneysa horyaalka laakiin ma jirto koox difaacatay horyaalka tan iyo markii ay Manchester United sameysay 2009.

Wax badan ayaa laga filayaa kooxaha Manchester City iyo United xilli ciyaareedkan iyadoo la filayo inay ku tartamaan hanashada horyaalka.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, Neville ayaa yiri: “Waxaan sheegay xilli ciyaareedkii hore in horyaalka uu imaan doono Manchester, waan qaldanaa, laakiin sannadkaan wuu imaan doonaa.

“Waxaan qabaa in Chelsea ay waxoogaa hoos u yara dhici doonto. Ma ahan si xun laakiin Champions League ayaa ku keeni doonta tartan ka duwan kii hore. Waxaan qabaa in Tottenham ay xooganaan doonto, laakiin waxaan dareemayaa in midkood United ama City ay ku guuleysan doonaan horyaalka, laakiin ma hubo kooxda ay noqon doonto.

“Waxaan sheegaa sannad walba in kooxda ciyaartoyda ugu fiican iibsatay inay ku guuleysaneyso horyaalka. Chelsea inay keensatay N’Golo Kante ayaa muhim weyn aheyd iyo in Hazard iyo Costa ay ku soo laabteen qaab ciyaareedkoodii fiicnaa. Dhamaan kooxaha oo dhan waxa ay u wada socdaan ciyaartoy isku mid ah, dhamaantood waa qaali waxaana koontaroolaya wakiilo.

“Sidaasi darteed kooxda xirrirka ugu fiican leh diyaarna u ah inay bixiso lacagta ayaa heli doonta ciyaartoyda.”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments