Gary Neville Oo Ka Hadlay Qaabkii Uu Xalay U Tuuray Gool Ku Laadka Paul Pogba Iyo Qofka Ku Habboonaa In Uu Laado Xilli Ay Muran Dhalisay

Paul Pogba waxa uu dhaliyey goolkii kowaad ee Mancehster United xilli ciyaareedkan ka dhaliso Premier League balse farsamadiisii ayaa jah wareerisay Gary Neville.

Pogba waxaa loo doortay kabtanka Manchester United xilli uu isniintii dhaweyd ka soo laabtay fasax.

Hase ahaatee, saddex daqiqo gudohood ayuu ku dhaliyey goolkii kowaad ee kooxda.

Gary Neville waxaa ka yaabisay gaabiskii ka muuqday Pogba markii uu laa dayey goolka ku laadka.

“Markii uu bilaabay, ma aqaan waxa uu sameenayey runtii, waxa uu aaday oo kaliya kubadda, waxaa is dhahaysaa, maya, orodka durba bilow, awood intaas ka badan uma yeeli kartid,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Laakiin kalsooni ayaa ka muuqatay waxa uuna kulaka ku bilaabay si cajiib ah, Paul Pogba.

“Wey adkeyd, waxaan ka fekerayey sidee  u dhalineysaa,’ waxaan is laha ‘Sidee awood intaa le’eg ugu heleysaa?’

“Laakiin kor ayuu uga yara qaaday Kasper Schmeichel, marka ay birta dhineceeda kore u tuuraan, goolhayeyaasha ma qabtaan.”

Alexis Sanchez in uu tuuro ayuu rabay laakiin Neville waxa uu aaminsanaa in ay ahayd xilligii Pogba.

“Mar walba waan la yabaa hadaladan marka ay yimaadaan,” ayuu ka yiri arintii ku saabsaneyd Sanchez iyo Pogba.

“Caadiyan dhammaan fallanqeynta tababaraha waxa uu sameeyaa kulanka kahor, rigoorooyinka iyo darbooyinka xorta ah cidda tuureysa.

Laakiin halkaas xaqiiqdii dood ayaa ka taagan iyo cidda tuureysa.

“Waan ogahay Pogba mid ayuu siiyey Sanchez xilli ciyaareedkii hore oo tan uma uusan ogolaadeen.”