Garsoorihii H--e Ee England Haward Webb Oo Qirtay Qaladkii WEYNAA Ee Uu Ku Lahaa Inuusa Casaan Siinin Nigel De Jong Finalkii Koobkii Aduunka Ee 2010 Iyo Dhacdadii Cristiano Ronaldo

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Oct 19, 2016

garsoorihii h--e ee heerka caalami ee ENgland ee Haward Webb ayaa qaladkiisii ugu weynaa ku tilmaamay markii uu ku fashilmay inuu ciyaarta ka saaro xidigii xulka Holland ee Nigel De Jong finalkii koobkii aduunka ee 2010.

Xidigii h--e ee AC Milan ayaa beerka ka laaday xidigii Real Madrid iyo Liverpool haatana ka tirsan koxda Bayern Munchen ee Xabi Alonso laakin garsoorihii h--e ee ENgland ayaana ciyaarta ka saarin De Jong oo ciyaaray “Kung Fu” wuxuuna u taagay kaliya calaamada digniin ah.

Isagoo la hadlayay Daily Mirror wuxuu yiri “Waxaan careynaa ilaa aamini waayay cararadeyda, Xabi Alonso kubada wuxuu u madaxeeyay David Villa waxaana isaga qalad ku galay De Jong, aniga waxaan joogay 10 mitir meel u jirto dhabarka Xabi Alonso, sidaasi darteed si sax ah uma arki karin sida uu De Jong wax u gaarsiiyay ALonso”.

“Si kasto waxaan fahmay iney aheyd qalad xun waxaana siiyay calaamad digniin ah, waxaan diiday inaan casaan siiyo sababtoo ah hadii uu qof wadnaha gacanta ku qabsado marna ma aamino”.

webb

Dhanka kale garsoorahaan ayaa ka hadlay qaladkii uu ku lahaa inuuusan ciyaarta ka saarin Cristiano Ronaldo kulankii Manchester Derby ee 2008 isagoo sheegayn in garabka Real Madrid uu siiyay kaliya huruud maadaama uu galay wax uu ugu yeeray “Qalad xun”

 

Like it? Share it!

Leave A Response