Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Ka Hadlay Go’aankii Aspas Lagu Siiyay Casaanka & Kubadii Uu Gacanta Ku Taabtay Raphael Varane.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Real Madrid ayaa talaabo muhiim ah u qaaday hanashada La Liga markii ay 1-4 uga adkaadeen Celta Vigo oo ku sugan gurigeeda kulan u baaqday bishii February, balse go’aanno garsoore ayaa hareeyay kulanka.

Garsoorahii hore La Liga Andujar Oliver haatanna falanqeeye ka ah Radio Marca ayaa ka hadlay laba go’aan oo uu qaatay garsoore Martinez Munuera midna wuu ku amaanay midna wuu ku eedeyay inuu ku qaldanaa.

Andujar Oliver wuxuu qabaa in kubadii uu gacanta ku taabtay Varane ay aheyd inaan la dhigin isla markaana garsooraha uu ku saxnaa inuu socodsiiyo kulanka .

“Gacanta wey jirtay, balse waxey aheyd mid uu ku qasban yahay” ayuu yiri garsoorahii hore La Liga ahna falanqeeyaha Radio Marca Andujar Oliver.

“Ciyaariyahanka reer France wuxuu isku dayay inuu gacanta ka laabto balse kubadda ayaa ku dhacday iyadoo ay sii dheer tahay in ficilka uuba ka dhacay banaanka xerada ganaaxa”

Dhanka kale Andujar Oliver wuxuu aaminsan yahay in garsoore Martinez Munuera uu ku qaldanaa inuu casaan siiyo Iago Aspas madama Sergio Ramos uu ciyaariyahanka ka taabtay lugta midig.

Sergio Ramos ayaa si adag lugta midig uga taabtay Iago Aspas ka hor inta uusan dhabarka ka riixin, balse Munuera ayaa u arkay inuu i stuuray wiilka reer Spain isagoo gudoonsiiyay jaalihiisii labaad ee ciyaara.

“Waxey aheyd in rigoore lagu abaalmariyo, Aspas ma aheyn in casaan la siiyo marnaba” Ayuu yiri Oliver oo falanqeynayay kulanka Celta Vigo iyo Real Madrid.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments