Gabriell Paulista OO Ilmada Ceshan Waayay Xiligii Lagu Jiray Daqiiqadii Aamusnaanta Ee “CHAPE” Xili Real Madrid, Manchester United Iyo PSG Tacsi Direen Xalay

by Abdirahman Qoslaaye | Thursday, Dec 1, 2016

Daafaca Arsenal ee Gabreil ayaa ilmada ceshan waayay xiligii lagu guda jiray daqiiqadii aamusnaanta aheyd ee ay kooxaha Arsenal iyo Southampton u sameynayeen dadkii ku dhamaaday diyaaradii ay musiibada ku habsatay ee ku dhacday dalka Colombia.

gabreill

71 qofood ayaa kunaf waayay shilkaas waxayna kala ahaayeen ciyaartooy, maclaimiin, maamulka kooxda, shaqaalo caafimaad iyo saxafiyeen u badnaa ree Brazil waxaana tacsi u diray dhamaan kooxaha qaaradaha yurub, Afrika, America, Asia iyo Australia waxaana kulamadii xalay laga ciyaaray yurub lagu muujiyay fariinta dhiirogelinta ah ee “Force Chape”.

Arsenal players wore black armbands and held a 'Força Chape' banner as the silence was held

Arsenal, Southampton, Manchester United iyo West Ham ayaa aha kooxihii ingiriiska ahaa ee xalay ciyaaray ee u muujiyay muragada kooxda baaba’day iyadoo United ay horay u aragtay musiibo lamid ah mida haatan heysata kooxdaan ree Brazil ee Chapecoense markii ay diyaar kula dhacday magaalada Munchen ee dalka Germany.

Arsenal displayed the Chapecoense club crest as the Emirates Stadium fell dark and silent

Sidoo kale PSG, Angers, Real Madrid iyo Cultural Leonesa ayaa iyana muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatadan iyadoo kooxda PSG ay xalay u ciyaarayeen afar ciyaartooy oo Brazil u dhashay waxayna jamaahiirtooda soo qaateen calanka Brazil iyo boor weyn oo ay ku qorneyd “‘Força Chape'”.

PSG fans held up Brazil's national flag and a banner in the crowd before their game vs Anger

Xidigaha Real Madrid ayaa iyana maaliyadooda ka kor xirnaa finaad ay ku qoran tahay “Todas Somos Chapecoense” oo la macno ah “Dhamaanteen waxaan nahay Chapecoense”.

Real Madrid players wore t-shirts saying 'We Are All Chapecoense' during their tie vs Leonesa 

Gabriel ayaa dadka dhamaaday ee ay isku wadanka yihiin u dareemay si xanuun ah iyadoo kaamirooyinka ay qabteen indhihiisa oo ay ilmo ka daadanayaan.

Halkaan Ka Daawo Sawirada oo DHameystiran:

Manchester United and West Ham meet by the centre circle to hold their own minute's silence

Arsenal observe a minute's silence ahead of the EFL Cup quarter-final match vs Southampton

PSG have a strong connection to Brazil with a number of first-team players hailing from their

The doomed jet carrying the team crashed in the mountains outside Colombian city Medellin

Like it? Share it!

Leave A Response