Gabadha Soo Jeediyaha Ka Ah Sky Sports Natalie Sawyer Oo Ka Hadashay Halka Arrin Ee Kala Duweysa Cristiano Ronaldo vs Lionel Messi.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Dec 12, 2017

Gabadha soo jeediyaha ka ah hillinka Sky Sports Natalie Sawyer ayaa shaaca ka qaaday hal arrin oo ay aaminsan tahay iney kala duweyso labada xidig ee ugu sareeya kubadda cagta waqtiyadii ugu dambeeyay Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Kabtanka Portugal ayaa shabaqa soo taabsiiyay 44-gool, 47-kulan oo uu saftay sanadkaan 2017, wuxuuna ka saaciday kooxdiisa iney ku guuleysato La Liga markeedii 33-aad taariikhda sidoo kalana ay difaacato Champions League.

32-jirkaan wuxuu hantay abaalmarinta”The Best” markii shanaad isagoo barbaro la noqday Lionel Messi sidoo kalana mar kale ayuu hantay abaalmarinta Ballon d’Or waxeyna u noqotay markii shanaad.

Taageerayaasha kubadda cagta ayaan ku heshiin karin farqiga u dhaxeeya labadaan shaqsi, waana doodda kaliya ee ilaa iyo haatan lagu kala adkaan la’yahay, balse Natalie Sawyer ayaa fikirkeeda  soo bandhigtay.

“Messi waa mucjiso” ayuu yiri Natalie Sawyer oo la hadleysay Sky Sports.

“Wuxuu dadka uga yaabiyaa mucjisadiisa garoonka dhexdiisa, qaab dhismeedkiisa yar iyo cagtiisa dhaqsada leh ayaa la macno ah in dad badan ay ku jahawareeraan iney la tartamaan markey noqoto hal iyo hal” ayey mar kale sheegtay Sawyer.

“Hadii taas la raaco, wuxuu leeyahay aragti, xakameyn, awood, daganaan iyo deeqsinimada wax la wadaagga saaxiibadiisa kooxda ayaa ka dhigtay cajiibka uu yahay”

“Dhanka kale Ronaldo, wuxuu leeyahay xawaare, awood, waana shaqsi jir ahaan awood u leh”

“Waa xidig lugta bidix iyo lugta midig ku ciyaari kara sidoo kalana awood ku leh madaxa, waa mid meel walba ku wacan”

“Waxaa laga yaabaa inuusan laheyn tilmaamaha saxda ah ee uu leeyahay Messi, balse shaki la’aan wuxuu noqon karaa shaqsiga ku haboon inuu la xifaaltamo Messi sidoo kalana sii wato inuu kaliya ku calaamadsado waqtigiisa kubadda cagta goolal, goolal, goolal”

13 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. yaasin 12-12-2017 at 10:57 pm -

    misse wa laacibka lugta ee adunka Ronaldo wa kalabaad

  2. hhhh messi wa mucjiso tlhi 12-12-2017 at 9:09 pm -

    hhh messi wa mucjiso tlhi

  3. mustafe 12-12-2017 at 6:09 pm -

    Runti dadku way kala ragti duwan yihn anigu waxaan qabaa 10 sanee tartanku ka dhaxeeyy in 5 sano ee hore ay ahayd 5 messi lkn 5 sano ee danbe uu cr7 mel walba kaga wangsanaady messi
    Waa run messi wuxuu lahaa mowhibo ama talent lkn imka waxa haysta hoos u dhicii u waynaa taariikhdiisa naadi yar mooyee naadi wayn gool ka dhalin kari maayo wax saamayn ah kuma yeelano kulamada waawayn
    Taas badalkeeda cr7 kulanba kulankuu ka wayn yahy ayuu is muujiyaa waa run waa gooldhaliye goosmo badn ma leh
    Lkn faaidda ku jirta gosmada badn waa maxay? Muu balon dor ku qaado 2006 iyo 2007 yaa ka gosma badnaaa
    Ninkan waa nin caqli badn wxu fahmy ujeedka ciyaarta oo ah goolal
    Ninka cr7 waxn ku taagera da daalku galay tan 2013 si uu uula tartamo messi
    Wuuna u qalmaa wax walboo uu ku guulaysty
    Lkn messi aduunka 2012 baa ugu danbysy 2015 ayuu dib u soo noqdy imkase qaab ciyaared aad u liituu ku jiraa

  4. cabdi nasiib 12-12-2017 at 4:47 pm -

    Waa run warka gabadha messi waa mucjiso

  5. korneel Qadafi 12-12-2017 at 3:30 pm -

    Magical messi gabadha runta ayey sheegtay ronaldo waa shoowiste o kiwir badan

  6. màxàmèd 12-12-2017 at 3:28 pm -

    messi waaa laacibka aduunka

  7. Mohammet 12-12-2017 at 3:26 pm -

    Messi waa haqiiq in Rolando ka wacan yahay maadama Ku u yahay mid la ogol zhpadii gool halka Rolando ka cadhoodo hadii u gool dhalin waayo ciyaartoy kale o zhpkisa ahina dhaliyo

  8. tawakal kiiko 12-12-2017 at 2:50 pm -

    gabadha beenley waaye ronaldo waalacip kooxdiisa wuuucawiyaa cidna shabaqa ka ma celli so nadikazta wuu kadhaliyay hayaraado ama hawaynaaadee
    lkn
    messi
    chalse
    ayuu 8 kullan
    kahoryimi balze kama dha llin waxaz
    saaleedihiin
    waalaacip
    akh

    • Hamse 12-12-2017 at 11:47 pm -

      Aduu ciyaraha soo daaawo
      Wxad maqashay ha La imane
      Kiino cr aad sheeegayso
      Intuu nool yahay
      Gaadhi maayo
      Xataaa hadii hada laga dhigo 17 year old

  9. ahmet Gb 12-12-2017 at 2:44 pm -

    Fikirka gapadHaa laqapaa
    waana zaX

  10. Aftax 12-12-2017 at 2:43 pm -

    gabadhan Xaqiiqda dhabta Ah Ayey sheegtay Leo Mucjiso

  11. faqay muqdisho 12-12-2017 at 2:33 pm -

    gabadhaan hadalkeeda waa mid sax ah runta ayey kahadashay

    • Xamza 12-12-2017 at 3:17 pm -

      Sax Sidaas ayaa loo hadlaaa waxgard ayaa wax lawaydiiyaa Messi kubadiisa waa dabiici waana mucjisada kubada caalamka Messi waa kada daganyahay Cr7 Messi magical geniuses 💪💪💪💪💪💪