Forlan Iyo Aguero Oo Hogaaminaya Shan Ka Mid Ah Ciyaartoyda Atletico Madrid Oo Aysan U Suuragalin Iney U Wareegaan Real Madrid

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 29, 2016

Tan iyo markii uu Santiago Solari si aan caadi aheyn ugu wareegay Real Madrid ma jirin xidig kale oo ay Los Blancos kasoo qaadatay kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Atletico Madrid, xiriirka labada dhinac ayaana sii xumaaday tan iyo waqtigaas.

Arin walba oo jirta waxaa cirka sii galiyay madaxweynaha haatan ee kooxda Real Madrid Florentino Perez oo ay cadaawad weyn kala dhaxeyso kooxdaan ka dhisan Vincent Calderon.

Haddaba waxaan hoos ku qeexi doonaa Shanta ciyaartoy ee ka tirsan Atletico Madrid kuwaas oo aysan u suuragalin iney u wareegaan Santiago Bernabeu.

trio

Diego Forlan:

Waxey aheyd January 2011 markii ay Madrid dalab kasoo gudbisay weeraryahankii h--e qaranka Uruguay iyo Man United, balse 18 Malyan oo Euro oo ay soo gudbiyeen kooxda boqortooyada waa lagu inkiray taasna waxey keentay iney Madrid lasoo saxiixato Emmanuel Adebayor.

Sergio Aguero:

Rumeyso ama ha rumeysan!! warbixino ayaa cadeynaya in Real Madrid iyo Sergio Aguero ay heshiiyeen iyadoo kooxda Los Blancos ay 45 Malyan Oo Pound soo gudbisay halka Atletico ay doorbiday iney 41 Malyan oo Euro kaga iibiso Manchester City.

Jose Gimenez:

Wadahadalo ay labada dhinac isugu yimaadeen xagaagii h--e ayaa guuldareystay iyadoo Real Madrid ay si ba’an u dooneysay da’yarkaan inkastoo Real Madrid ay diiday iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa oo dhan 60 Malyan oo Euro.

Antoine Griezmann:

Wararka ugu ba’an ee mudooyinkaan dambe la isla dhexmarayo ayaa ah in Real Madrid ay dooneyso weeraryahanka reer France ee Atletico Madrid Antoine Griezmann balse kooxda ka dhisan Calderon ayaa sinaba uga iibin doonin xidigaan dhigeeda Real, balse waxaa la sheegay inuu u furan yahay inuu u wareego Barcelona ama PSG.

Ugu dambeyntiina xiddiga shanaad waa Thibaut Courtios inkastoo aysan milkiyadiisa laheyn waxey ka hor istaageen kooxda Boqortooyada iney xidigaan la wareegto madama ay amaah ku qaateen.

Like it? Share it!

Leave A Response