Florentino Perez Oo Manchester United U Sheegay Qiimaha Ay Ku Heli Karaan CR7 – Waa In Ku Dhaw 1 Billion Oo Euro.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jun 20, 2017

Madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu xor u yahay inuu ka tago Los Blancos, hadii kooxda dooneysa ay diyaar u tahay iney bixiso aduun dhan 880 Malyan oo Pound oo u dhiganta [999.736 Malyan oo Euro] oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.

Ciyaariyahanka afarta jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo ka tagista Santiago Bernabeu xagaagan.

Florentino Perez ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda xidigaan markii dib loo doortay wuxuuna hadal kooban siiyay idaacadda Spain laga leeyahay ee Onda Cero.

“Lama hadlin Cristiano tan iy finalkii Champions League, warbaahinta ayaan ka maqlay wararka xanta ah”

“Balse heshiiskiisa waxaa dulsaaran 880 Malyan oo Pound”

“Sidaas darteed, hadii aysan koox diyaar u aheyn iney bixiso, kama tagayo Real Madrid” ayuu yiri Perez oo u muuqda mid si dadban u xaqiijiyay in xidigaan uu isaga tagi karo garoonka Santiago Bernabeu.

32-jirkaan wuxuu markii shanaad isku diyaarinayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, Perez oo markii shanaad maamulka Real loo doortay ayaa sidoo kale ka hadlay carada xidigaan iyo hadii uu kooxda wax ka tabanayo.

“Waan la hadli doonaa kadib koobka Confederation Cup”

“Uma maleynayo inuu inaga naga careysan yahay, waxey ila tahay inuu ka careysan yahay xaaladda guud”

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments