Florentino Perez Oo Ka Hadlay Sida Uu U Jeclaan Lahaa In Lionel Messi Uu Ku Haysto Real Madrid

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Jun 20, 2017

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez oo warysi badan bixiyay kadib markii dib loogu soo doortay xafiiska madax wayne ee kooxdiisa Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in uu aad u jeclaan lahaa in Lionel Messi uu ku haysan lahaa Santaigo Bernabeu.

Laakiin  Florentino Perez ayaa sheegay in ayna marnaba suurtogal ahayn in ay Lionel Messi ay ka soo saaraan kooxdiisa Barcelona maadaama oo ka soo baxay xarunta da’yarta kooxda Barca ee La Masia. Messi ayaa Barcelona ku soo biiray isaga oo 13 sano jir ahaa laakiin waxa uu Camp Nou ugu soo guulaystay 30 koob oo heer kasta ah isaga oo waliba soo qaaday rekoodh ah shan heer ah oo abaal marinta  Ballons d’Orka ah.

Waraysi dhinacyo badan lahaa oo uu  Florentino Perez siiyay Onda Cero ayuu si furan uga jawaabay markii la waydiiyay Lionel Messi wuxuuna sheegay hadal ayna jamaahiirta Real Madrid jeclaysan doonin.

Florentino Perez oo ka hadlaya haddii uu jeclaan lahaa Lionel Messi in uu kooxdiisa ku haysto ayaa yidhi: “Dabcan anagu waanu jelaan lahayn in aanu Madrid ku haysano Messi. Laakiin waxa uu ahaa kooxda da’yarta Barca, sidaa daraadeed waligeed may dhacdeen”.

Barta twitterka ee Leo Messi (@messi10stats) ayaa markiiba soo qaatay hadalka uu Perez u sheegay Onda Cero waxaana qoraalka hadalkii uu Perez yidhi la soo raaciyay sawiro Lionel Messi oo dhunkanaya maaliyada Barcelona si ay ugu muujiyaan sida uu xidiga ree Argentina u jecel yahay Barcelona ee uu Perez runta uga sheegay in ayna suurtogal ahayn in uu Madrid ku biiro.

Sanadkii 2001 kii ayuu Lionel Messi ka soo wareegay kooxda ka dhisan magaalada uu ku dhashay ee dalkiisa Argentina ee Old Boys halkaas oo uu uga soo , ciyaaray kooxaha heerka labaad iyo saddexaad ee Old Boys B & Odl Boys C wuxuuna qayb ka noqday xarunta La Masia ee Barcelona.

Laakiin Lionel Messi oo hadda 29 sano jir ah ayaa Barcelona u soo dhaliyay 507 gool wuxuuna u soo saftay 583 kulan halka uu xulka qarankiisa Argentina u soo dhaliyay 58 gool markii uu saftay 118 gool wuxuuna rekoodh u khaas ah ku haystaa gool dhalinta Barcelona iyo Argentina labadaba.