Farmaajada Ay Soo Saarto Ruushka Oo Sabab Looga Dhigay Guulaha Ay Ilaa Haatan Xulka Faransiiska Ka Gaareen Koobka Adduunka

Xulka France ayaa gaaray markii ugu horeysay finalka Koobka Adduunka tan iyo 2006 markaasoo ay koobka u waayeen xulka Talyaaniga, laakiin 20 sannadood ka dib waxa ay haatan doonayaan inay hantaan koobka ugu qiimaha badan dunida.

Waxa ay ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Adduunka ay berri oo Axad ah la ciyaarayaan xulka sida la yaabka ah ku soo gaaray heerkaan ee Croatia kuwaasoo u tartamaya inay markii ugu horeysay abid kor u qaadaan koobka dahabka.

Oleg Sirota oo ka mid ah ragga sameeya farmaajada ee dalka Ruushka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sababta ka danbeysa guulaha xulka France inay tahay inay in badan cuneen farmaajada maxaliga ah ee ay iyagu soo saaraan.

Sirota waxa uu sheegay inuu iibiyay 400 kiilo oo farmaajo ah intii uu socday Koobka Adduunka, waxaana uu xusay in xulka France ay maalin walba ka iibsadaan seddex wareeg oo farmaajada uu sameeyo ah.

“Waan fahamsanahay waxa ay tahay sirta xulka Faransiiska. Waxa ay cunaan farmaajo wanaagsan, waa ay cunaan, waana ay guuleystaan” ayuu Sirota isagoo dhoolacdeynaya u sheegay Reuters.

Sirota waxa uu warshadiisa soo saarta farmaajada ee Russky Parmezan uu furay sannadii 2015 ka dib markii ay dowlada Ruushka mamnuucday in cunada qaar laga keeno wadamada galbeedka Yurub. Waxaana ay farmaajadiisa ay jawaab u noqotay tan ay Holland soo saarto ee la geyn jiray Russia.