Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Lugta Hore Ee Wareega 16ka Champions League Ee Juventus v Tottenham

by Saed Balaleti | Tuesday, Feb 13, 2018

Waa markii ugu horeysay ee kooxaha Tottenham iyo Juventus ay isku arkayaan tartamada UEFA waxaana la filayaa in labada lug ee wareega 16ka Champions League inay ka soo baxaan kulamo xiiso leh iyadoo lugta hore caawa lagu hormarayo garoonka Bianconeri ee Allainz Arena.

Juventus oo gaartay finalka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaan 26 kulan oo tartamada Yurub ah looga badinin gurigooda iyagoo badiyay 16 kulan oo ka mid ah.

Spurs iyaa waxaa niyad-dhis u ah inaan laga soo badinin wareega group-yada ee xilli ciyaareedkan iyagoo badiyay shan kulan halka kulanka kale uu ku dhamaaday barbaro, waxaana ay ku group ahaayeen kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid.

Laakiin Tottenham rikoor fiican kama heysato sideedii kulan ee ay ku ciyaareen Italy, iyagoo badiyay kaliya hal jeer, waxaa laga soo badiyay afar kulan, waxaana ay barbaro ku soo galeen seddex jeer.

Lugta labaad ee wareega 16ka Champions League waxa ay ka dhici doontaa garoonka Wembley 7da bisha Maarso ee soo socota.

MAXAA KA CUSUB

Juventus oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Serie A ayaa waxaa ka maqan kulanka caawa xiddigaha kala ah Paulo Dybala, Juan Cuadrado, Andrea Barzagli iyo Blaise Matuidi, Howedes iyo Lichtsteiner oo dhamaantood dhaawac kala duwan qaba.

Dhanka kooxda Tottenham Toby Alderweireld ayaan u safrin Turin inkastoo uu ka soo kabsaday dhaawacii muruqa ee soo gaaray bishii November laakiin Spurs ayaa si taxadar leh ugu soo celineysa kooxda isagoo sidoo kale seegay kulankii Sabtida ee ay ka badiyeen Arsenal.

Daafacyada kale Juan Foyth iyo Kyle Walker-Peters ayaa iyagana sidoo kale maqan.

Xogta kulankaa

Lugta hore ee wareega 16ka Champions League

Juventus v Tottenham

Garoonka: Allainz Arena

Waqtiga: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Felix Brych (Germany)

 

SHAXDA MACQUULKA AH:

Juventus: Buffon; De Sciglio, Benatia, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanić, Sturaro; Douglas Costa, Higuaín, Mandžukić

Tottenham: Lloris; Trippier, Sánchez, Vertonghen; Son, Dembélé, EricDier, Davies; Eriksen, Dele Kane

14 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Najìib 13-02-2018 at 2:34 pm -

    Anigo ah tageero reer Barcelona
    Horta marka lajjoogo. Championka
    Ka dhisan horyaalka yurubbta
    Ka fikir ahaan waxaan amisanyhy
    Inuu 70%yahy khibirad
    Marka la info javantuus iyo totalham
    Koox waa mid khipradleh midana a wood
    Markaaa wxaan odhanlhaa guul ayaan urajaynyaa
    Viva totalhan

  2. fu aad 13-02-2018 at 12:48 pm -

    JUVANTUS.2:2. TOTTENHAM

  3. fu aad 13-02-2018 at 12:47 pm -

    waxan u rjaynaya guul TOTTENHAM wayo waxay awood u ledahay inay semi final tagto wayo 3 asbuuc oo isku xiga bay 7 dhipcod ka qadatay koxo waawayn marka JUVANTUS iyada ma MANUTD. ARSENA. LIVERPOOL. hasayeshaa JUVA waxa ka maqan afar ciyartoy oo kharar ah oo uu uhoreeyo DYPAL .CUDRADI …BRASIGLI IYO walipa ku fican oo xirfado fiican Marka macaquul ma ahan inay JUVA soo baxdo WALIPA WEMBLAY baa lagu danbaynayaa ogAda

  4. maxamed 13-02-2018 at 12:36 pm -

    marwada duqda a guuul ayan urajaynayaa yaa maali jiray ayey tagaysaa

  5. mohamed 13-02-2018 at 11:40 am -

    waxan ahay taageere barcelona ah lkn hadaan fikirkayga ka dhiibto waxaan qabaa juventus kama badin karto tottenham oo ah koox jidh ahaan iyo farsamo ahaanba ka xoogan kooxaha kale ee england marka laga reebo manchester city oo kubad halis ah ciyaarta juventus waa kooxda ugu liitada kooxaha talyaaniga markay kuwa ENGLAND wada ciyaarayaan takale totenham waxay u badan yihiin Rag dhalinyaro ah oo firfircoon tababare fiicana way wataan waxay Awoodaan inay koox kasta ka badiyaan real madrid waad ogeydeen siday uga badiyeen oo ah koox aad u xoogan marka champions league la joogo

  6. boqor lp sahlawi 13-02-2018 at 11:17 am -

    kan ay Axmed ugu qoran thy malaha ciyaaraha lama socdo waar walker petters baa la yidhaah ee la soco ciyaaraha waa walker kale oo jooga tottenham

  7. asad lioneer 13-02-2018 at 10:18 am -

    laacib plz iska saxa waxa aad so qoreysaaaan garoonka juventus lama dhaho alienza arena ee wa juventus arena

    • abdirahman cirro 13-02-2018 at 5:47 pm -

      juve guul caawa 2-0

    • abdirahman cirro 13-02-2018 at 5:48 pm -

      sxb waa ka saxan yihiin laacib gronka juventus waxa loo bixiyay
      alianza stadium waana laga badalay
      juve stadium

  8. Sharaf 13-02-2018 at 9:27 am -

    viva tottenham – Juventus 0 3 Tottenham
    Basel 1 4 Manchester Cit

  9. Ahmed 13-02-2018 at 9:05 am -

    walker man city ayuuu aaday warba mahaaysiina hhhhhhhhhhhhh laacibnet waay idiinkasiidhamaanihaysaa

    • Hasan 13-02-2018 at 9:24 am -

      Ciyaaraha ma daawatid ayaan u maleeyay Ahmed waxaa jira labo Kyle mid waa Kyle Walker waxaa laga iibiyay Man City kan kale kale waa Kyle Walker-Peters waa wiil da’ yar oo Tottenham jooga oo daafac kale ah

  10. prazani 13-02-2018 at 8:57 am -

    hhh

    • mr geedi 13-02-2018 at 9:20 am -

      caawa jajabsi ayaa jira juventuus 1 2 spurs fii ammanullah