Falanqeynta Kulamada Xiisaha Leh Ee Group H Champions League: Juventus Oo Wajaheysa Lyon Halka Sevilla Ay Safreyso Croatia.

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

social-eng

Kulanka: Lyon v Juventus

Garoonka: Stade de Lyon

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Szymon Marciniak (Poland)

Kooxda Lyon ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato wadada guusha ee Group H Champions League ka dib markii kulankii ugu danbeeyay ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Sevilla, waxaana ay caawa martigelinayaan kooxda Juventus oo cashar u soo dhigtay kulankoodii ugu danbeeyay kooxda Dinamo Zagreb oo ay 4-0 ku soo garaaceen.

Juventus waxa ay hogaanka Group H isla hayaan kooxda Sevilla oo ay wadaagaan afar dhibcood, halka Lyon ay leedahay kaliya 3 dhibcood ka dib guushii ay kulankii furitaanka ka gaartay kooxda reer Croatia.

Kooxda Juventus ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay iyadoo kaliya hal gool laga dhaliyay waqtigaas, laakiin Lyon waxaa garoonkooda cusub looga badiyay hal kulan 15kii kulan ee ay ku ciyaareen.

MAXAA KA CUSUB?

Waxaa kooxda Faransiiska ganaaxyo kaga maqan Rybus iyo Kalulu, halka Jallet uu la maqan yahay dhaawac dhabarka ka soo gaaray, iyadoo Mammana uu kulanka caawa ku seegayo xumad soo wajahday. Lacazette ayaana hogaamin doona weerarka kooxda caawa.

Dhanka kooxda Juventus waxaa dhabarjab ku ah inuu ka maqan yahay daafacooda weyn Giorgio Chiellini oo dhaawac ka qaba muruqa bowdada, waxaa sidoo kale dhaawacyo kaga maqan Asamoah, Mandzukic, Marchisio, Pajaca iyo Rugani.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Lyon: Lopes; Yanga-Mbiwa, Nkoulou, Diakhaby; Rafael, Tolisso, Gonalons, Darder, Morel; Fekir, Lacazette.

Juventus: Buffon; Barzagli, Bonucci, Benatia; Dani Alves, Khedira, Hernanes, Pjanić, Alex Sandro; Dybala, Higuaín.

Kulanka: Dinamo Zagreb v Sevilla

Garoonka: Stadion Maksimir

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Michael Oliver (England)

Dhanka kale kooxda Sevilla ayaa kaalinta 1aad ee Group H waxa ay kula tartamayaan kooxda Bianconeri iyagoo caawa marti u ah kooxda Dinamo Zagreb oo aan wax dhibic ah laheyn islamarkaana laga badiyay labadii kulan ee ay ciyaareen.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Dinamo Zagreb waxaa ganaax kaga maqan Lovren halka Goncalo Santos uu dhaawac jilibka ah qabo.

Kooxda Sevilla waxaa dhaawacyo jilibka ah kaga maqan Tremoulinas, Carlos Fernandez, halka Carrico uu ku seegayo dhaawac jilibka ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Dinamo Zagreb: Livaković; Stojanovič, Sigali, Schildenfeld, Pivarić; Machado, Jonas, Soudani, Antolić, Fernandes; Henríquez.

Sevilla: Rico; Mariano, Rami, Mercado, Escudero; Vázquez, Kranevitter, Ganso; Vitolo, Ben Yedder, Sarabia.

Like it? Share it!

Leave A Response