Falanqeynta Kulamada Group D Ee Champions League: Bayern Munich Oo Raadineysa Inay Wadada Guusha Ku Soo Laabato Xilli Atletico Madrid Ay Baadigoobeyso Guushii 3aad.

by Saed Balaleti | Wednesday, Oct 19, 2016

uefa-champions-league-group-1024x523-700x500

Bayern Munich v PSV Eindhoven

Garoonka: Allainz Arena

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garoonka: William Collum (Scotland)

Kooxda Bayern Munich ayaa dooneysa inay caawa ka soo kabsato guuldaradii ka soo gaartay kooxda Atletico Madrid kulankoodii ugu danbeeyay ee Champions League iyagoo garoonka Allainz Arena ku martigelinaya kooxda reer Holland ee PSV Eindhoven.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa gacanta sarre ka heysata kooxda PSV lix kulan oo ay h--e u ciyaareen iyadoo Bayern ay badisay afar kulan halka PSV ay badisay kulan kaliya, kulanka kalena waxa uu ku dhamaaday barbaro.

Tan kale waxaa caawineysa kooxda Bayern Munich oo kaalinta labaad kaga jirta Group D iyagoo leh seddex dhibcood inay badiyeen rikoor 13 kulan oo isku xigta Champions League oo gurigooda lagu ciyaaray, halka PSV Eindhoven ay raadineyso guushoodii ugu horeysay ee Group D.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda Bayern Munich waxaa dhaawac muruqa ah kaga maqnaanaya kulanka caawa xiddigii h--e ee xulka France Franck Ribery, laakiin Arjen Robben ayaa ku soo bilaabanay weerarka seddexda afka h--e oo ay ku wehlinayaan Lewandowski iyo Thomas Muller.

Dhanka kooxda PSV labo xiddig ayaa dhaawac kaga maqnaanaya kulanka Allainz Arena, iyadoo Hendrix uu jilibka ka dhaawacan yahay halka Locadia uu dhaawac gumaarka ah ku maqan yahay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bayern Munich: Neuer; Lahm, Boateng, Hummels, Alaba; Thiago, Kimmich, Vidal; Robben, Lewandowski, Müller.

PSV Eindhoven: Zoet; Brenet, Schwaab, Isimat-Mirin, Moreno, Willems; Guardado, Pröpper, S De Jong; Narsingh, L De Jong.

Kulanka FC Rostov v Atletico Madrid

Garoonka: Olimp 2 Stadium

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Daniele Orsato (Italy)

Kooxda Atletico Madrid ayaa Group D ku hogaamineysa lix dhibcood ka dib guulo ay ka soo kala gaareen Bayern Munich iyo PSG Eindhoven waxaana ay caawa u safrayaan Ruushka iyagoo guushii seddexaad ee isku xigta ka raadinaya kooxda FC Rostov.

MAXAAA KA CUSUB?

Kooxda reer Russia ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaanaya Bukharov oo dhaawac muruqa ah qaba, halka Terentyev iyo Kalachev uu shaki ku jiro taam ahaanshooda.

Atletico Madrid waxaa dhaawac kaga maqan Augusto Fernandez, Gimenez, Moya iyo Cerci, halka Saul taam ahaanshihiisa shaki la gelinayo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

FC Rostov: Dzhanaev; Bayramyan, Mevlja, Navas, Granat, Kudryashov; Gatskan, Noboa, Erokhin; Azmoun, Poloz.

Atlético Madrid: Oblak; Juanfran, Savić, Godín, Filipe Luís; Correa, Gabi, Koke, Carrasco; Torres, Griezmann.

Like it? Share it!

Leave A Response