Falanqeynta Kulamada Group A Ee Champions League: Arsenal & Paris Saint-Germain Oo Caawa U Dagaalamaya Kaalinta 1aad Ee Group-ka.

by Saed Balaleti | Wednesday, Oct 19, 2016

gun__1472144082_champions-league

Arsenal v Ludogorets

Garoonka: Emirates Stadium

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Artur Dias (Portugal)

Kalsoonida iyo niyad wanaaga ayaa ku soo laabtay Arsenal, iyadoo guushii ay ka gaareen Swansea sabtidii ay aheyd guushii lixaad ee ay gaareen Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana ay hogaanka la hayaan kooxda Manchester City.

Marka loo eego sida ay uga badiyeen Basel kulankii ugu danbeeyay ee wareega group-yada kooxda Arsenal aya rajo fiican ka qabta inay keli ku noqoto hogaanka Group A oo ay haatan afar dhibcood la wadaagaan kooxda Paris Saint-Germain.

Arsenal ayaana caawa markii ugu horeysay wajaheysa kooxda reer Bulgaria ee Ludogorets, waxaana markii ugu danbeysay ee ay kooxda Ludogorets ay booqoto England ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Liverpool sannadii 2014.

MAXAA KA CUSUB?

Oliver Giroud iyo Aaron Ramsey ayaa tababarka Arsenal ku soo laabtay shalayto, laakiin tababare Arsene Wenger ayaa sheegay inay u badan tahay inaysan ciyaari doonin. Waxaa Gunners dhaawacyo kaga maqan Mertesacker, Welbeck iyo Akpom.

Kooxda reer Bulgaria waxa ay heystaan koox buuxda oo ay ka soo xushaan shaxdooda, laakiin Natanael ayaa halis ugu jira inuu ganaax ku seego kulanka soo socda haddii uu jaale qaato caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal: Ospina; Bellerín, Mustafi, Koscielny, Monreal; Xhaka, Cazorla; Walcott, Özil, Iwobi; Sánchez.

Ludogorets: Stoyanov; Minev, Moți, Palomino, Natanael; Dyakov, Anicet; Misidjan, Marcelinho, Wanderson, Cafú.

Kulanka: PSG v Basel

Garoonka: Parc des Princess

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Deniz Aytekin (Germany)

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa caawa dooneysa inay kaalinta koowaad ee Group A ku ciriiriso kooxda Arsenal iyagoo caawa garoonkooda Parc des Princes ku soo dhaweynaya kooxda reer Switzerland ee Basel kuwaasoo ugu hooseeya group-ka iyagoo leh kaliya hal dhibic.

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain ayaa waxaa dhaawacyo kaga maqan Pastore iyo Thiago Motta, iyadoo Cavani iyo Di Maria ay hogaamin doonaan weerarkooda kulanka caawa ay wajahayaan Basel.

Kooxda Basel waxaa kulankaan ka maqnaan doona Akanji, halka Traore iyo Sporar shaki la gelinayo taam ahaanshahooda.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Paris Saint-Germain: Aréola; Aurier, Marquinhos, Thiago Silva, Maxwell; Verratti, Krychowiak, Matuidi; Lucas, Cavani, Di María.

Basel: Vaclík; Lang, Suchý, Høegh, Traoré; Xhaka, Zuffi; Bjarnason, Delgado, Steffen; Doumbia.

Like it? Share it!

5 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. Omar ahmed dexey 19-10-2016 at 9:24 pm - Reply

    Ad aya umahadsan tihiin bahda laacib runti waxa tihin halyey cayaaraha kufiican sifiican noso garsiiya waxa kudarayaa kulamada lacayaarayo kanalka soodeynaayo inaa kuso dartaan sida supersport hebel ama peinsport hebel wana mahadsan tihiin

  2. maamulaha khadka dhexe Liverpool 19-10-2016 at 3:24 pm - Reply

    arsenashu ma tii wengarba
    arsenal 00-4 ludogrtes

  3. xamse xiir 19-10-2016 at 1:42 pm - Reply

    Arsenal ayaa guruubkan 1ka galaysa

  4. Khadar 19-10-2016 at 12:25 pm - Reply

    Cawa arasenal guul ayaan u rajaynayaa waliba inay hogaanka kali ku noqoto arsenal guul psg barejo

  5. GunnersFunny 19-10-2016 at 9:22 am - Reply

    Caawa waxan u badan tahay in Psg iyo Arsenal ba wada badiyaan
    psg vs basel 3 1
    Arsenal vs 3 0

Leave A Response