Falanqeynta Kulamada Champions League Ee Group E: Maxaa Kala Heysta Caawa Leverkusen & Tottenham? Monaco Ma Sii Dheereysan Doontaa Hogaanka Group-ka?

by Saed Balaleti | Tuesday, Oct 18, 2016

13640820022920

Kulanka: Bayer Leverkusen v Tottenham

Garoonka: BayArena

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Cüneyt Çakır (Turkey)

Kooxda Tottenham ayaa marti u ah kooxda Jarmalka ee Bayer Leverkusen iyagoo rajeynaya inay gaaraan guushii labaad ee isku xigta ee Group E ee Champions League.

Laakiin Jarmalka looga badanin garoonkooda muddo 10 kulan ah, markii ugu danbeysay ee Bayer Leverkusen laga badiyo waxa ay aheyd bishii Maarso.

Labada kooxood midkoodna hogaanka uma hayo Group E iyadoo Spurs ay leedahay seddex dhibcood halka Leverkusen ay leedahay labo dhibcood iyagoo aan weli wax guul ah gaarin, waxaana group-ka afar dhibcood ku hogaamineysa Monaco iyadoo CSKA Moskva ay ugu hooseyso iyadoo leh hal dhibic.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Bayer Leverkusen: Leno; Henrichs, Tah, Toprak, Wendell; Aránguiz, Kampl; Brandt, Volland, Çalhanoğlu; Hernández.

Waxaa ka maqan: Out: Yurchenko (kubka), Bellarabi (gumaarka), Pohjanpalo (cag ka jabtay)

Waxaa shaki ku jiraa: Bendern (xumad ayaa heysa)

Tottenham: Lloris; Walker, Dier, Vertonghen, Rose; Wanyama; Dembélé, Eriksen, Alli, Lamela; Son.

Waxaa ka maqan: Alderweireld (jilibka), Kane (canqowga)

Kulanka: CSKA Moscow v Monaco

Garoonka: Stadion CSKA Moskva

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Martin Strömbergsson (Sweden)

Kooxda Faransiiska ee Monaco ayaa dooneysa inay sii dheereysato hogaanka Group E ee Champions League iyadoo caawa marti u ah kooxda Ruushka ee CSKA Moskva.

Moganaca kaliya labo jeer ayaa laga badiyay 13kii kulan ee ugu danbeysay, waxaana niyadhis u ah in goolhayaha CSKA Moscow inuusan shabaqa ilaashanin 39 kulan uu ciyaaray Champions League.

SHAXDA MACQUULKA AH:

CSKA Moskva: Akinfeev; Mário Fernandes, V Berezutski, Ignashevich, Schennikov; Wernbloom, Natcho, Tošić, Golovin, Milanov; Traoré.

Waxaa ka maqan: Cauņa (canqowga), Dzagoev (muruqa), Eremenko (ganaax), Pomazun (jilibka)

Monaco: Subašić; Sidibé, Glik, Jemerson, Beneddine; Bakayoko, Fabinho; Bernardo Silva, João Moutinho, Lemar; Germain.

Waxaa ka maqan: Almamy Touré (muruqa), Falcao (madax wareer), Dirar (kubka)

Like it? Share it!

1 Comment so far. Feel free to join this conversation.

  1. cabdisamad 18-10-2016 at 2:10 pm - Reply

    aniga waxaan qaba inay tottanham badin doont insha aalh

Leave A Response