Falanqeyn: Barcelona & Real Madrid Oo Kulamo Muhim Ah Ciyaaraya Maanta, Waqtiga La Ciyaarayo & Shaxaha Macquulk Ah

Kooxaha horyaalka La Liga ayaa dib ugu soo laabanaya tartanka heerka kooxeed kadib markii ay ciyaartoyda kooxahoodu ka soo qayb gashay kulamadii caalamiga ahaa ee xulalka qaramada aduunka. Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo ah labada kooxood ee kaliya ee aan ilaa hadda wax guuldaro ahi soo gaadhin ayaa kulamo muhiim ah ugu bixi doona Athletic Bilbao iyo Real Sociedad sida ay u kala horeeyaan.

Julen Lopetegui iyo Ernesto Valverde ayaa rajaynaya in kulamadii caalamiga ahaa ayna dhibaato ku noqon qaab ciyaareedkii kooxahooda ee ka hor kulamadii xulalka qaramada laakii warka ugu fiican ee haystaan ayaa ah in ayna wax dhaawacyo ahi soo gaadhay xidigaha kooxahooda.

 Real Sociedad vs Barcelona:

Kadib markii ay Barcelona muddo toban sanadood ku dhaw ay guul la’aan kaga soo jirtay garoonka kooxda Real Sociedad ee Anoeta Stadium, waxay xili ciyaareedkii la soo dhaafay soo awoodeen in ay 4-2 ku soo badiyeen Anoeta Stadium.

Ernesto Valverde ayaa rajaynaya in xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay kooxdiisu guul ka soo gaadho Real Sociedad oo imtixaan adag ku soo ahayd Barcelona sanadihii ugu danbeeyay si sii jooogteeyaan guulihii xidhiidhka ahaa ee ay xili ciyaareedkan ku soo bilawdeen.

Wararka Labada kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Valverde ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono Philippe Coutinho oo soo wada ciyaaray labadii kulan ee xulka qarankiisa Brazil isla markaana safar dheer kadib jimcihii ku soo laabtay xarunta tababarka waxa kale oo uu shaki ku jiraa Malcom Denis Suarez, Sergi Samper iyo Arthur Melo oo isna Coutinho safarka dheer ku wehelinayay.

Dhinaca kooxda Real Sociedad waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha Adnan Januzaj, Diego Llorente, Martín Merquelanz,  Willian José, Raúl Navas waxa kale oo kulankan seegaya Sandro Ramírez.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Kulanka Afraad ee La Liga

Kulanka: Real Sociedad Vs Barcelona

Garoonka: Estadio de Anoeta

Waqtiga: 5:15 Galabinimo ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha:Carlos del Cerro Grande

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Coutinho; Messi, Suárez, Dembélé

Sociedad (4-3-3): Rulli; Zaldúa, Elustondo, Moreno, Theo; Merino, Illarramendi, Zubeldia; Oyarzabal, Bautista, Juanmi

Athletic Bilbao Vs Real Madrid:

Real Madrid ayaa booqanaysa kooxda Athletic Bilbao wuxuuna Julen Lopetegui rajaynayaa in kooxdiisu ay sii joogtayso qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay xili ciyaareedkan kaga bilaabtay horyaalka La Liga balse kulanka Athletic Bilbao ayaan noqon doonin mid u sahlan Los Blancos.

Real Madrid ayaa 31 kulan oo La Liga ah guul ka gaadhay kooxda ay martida u noqonayso ee Bilbao halka sidoo kale Real Madrid ay 11 guuldaro ka soo gaadhay kooxda Athletic Bilbao.

Laakiin Real Madrid ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay barbaro gool la’aan ah la soo gashay Athletico Bilbao iyada oo waliba laba jeer oo kaliya guul ku soo gaadhay San Mames shantii kulan ee ugu danbeeyay.

Wararka Labada kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Julen Lopetegui ayaa haysta koox buuxda oo uu ka soo xulan karo shaxda uu doonayo laakiin Casemiro oo xili danbe ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa Brazil ayuu Lopetegui go’aan ka gaadhi doonaa haddii uu si toos ah shaxdiisa ugu soo bilaabi doono.

Karim Benzema, Dani Carvajal iyo Sergio Ramos ayaa ah saddexda xidig ee daqiiqad kasta xili ciyaareedkan ka soo muuqday shaxda Lopetegui ee soo wada dhamaystay kulamadii la soo ciyaaray waxaana la filayaa in markale uu shaxdiisa ku soo bilaabi doono.

Xidiga kaliya ee Real Madrid dhawaaca kaga maqan ayaa ah Jesus Vallejo kaas oo aan xataa wax saamayn ah ku lahayn kooxda kowaad. Mariano Diaz ayaa rajaynaya in uu fursad ka helo shaxda Lopetegui balse kulankan ayaa ah mid adag oo uu Lopetegui go’aamo muhiim ah qaadan doono.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Kulanka Afraad ee La Liga

Kulanka: Athletic Bilbao vs Real Madrid

Garoonka: San Mames

Waqtiga: 9:45 Habeenimo ee Saacada Geeska Afrika

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Ceballos, Kroos; Asensio, Bale, Benzema

Athletic Bilbao: Simón; de Marcos, Álvarez, Nolaskoain, Berchiche; Dani García, Susaeta, Raúl García, Muniain, Córdoba; Williams