Falanqeeyaha Sky Sports Alan Smith Oo Doortay Shaxda Kooxda Ugu Fiican Sanadka Horyaalka Premier League.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Kadib markii todobaadkaan lasoo saaray kooxda sanadka ugu fiican horyaalka Premier League oo ay doortaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta ayuu falanqeeyaha heerka sare ee Sky Sports Alan Smith doortay shaxda kooxdiisa ugu wanaagsan.

Sida ay aheyd shaxdii PFA ee lasoo saaray waxey ka koobneyd 4-xidig oo Spurs ah, 4-xidig oo Chelsea ah iyo sadex xidig oo laga soo kala xulay Man United, Liverpool & Everton.

Balse isbadal ayuu ku sameeyay daafac Smith oo meesha ka saaray doorashada Walker, Cahill iyo Luiz, wuxuuna boosaskooda soo galiyay Azpilicueta, Alderweireld iyo van Dijk.

Smith kama laba-labeynin inuu doorto goolhaye De Gea, daafaca Spurs Danny Rose iyo shaxda khadka dhexe iyo weerarka ay doorteen ururka xirfadlayaasha oo ka kooban Kante, Alli, Hazard, Mane, Lukaku iyo Kane.