Falaaqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Barcelona v Man City, MSN Oo Seefta Ku Dul Haya Manchester City Xili Guardiola Uu Doonayo Inuu Camp Nou Ku Soo Aarguto

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Oct 19, 2016

Barcelona ayaa soo dhaweyn doonta macalinkoodii h--e ee Pep Guardiola oo wata kooxda Manchester City marka ay labada koox ku kulamaan Camp Nou kulanka sadexaad ee Group C ee tartanka UCL.

Macalinka Man City ayaa raadin doono aargudasho uu ku sameeyo Camp Noun ka dib ceebtii ay Messi iyo asxaabtiisa ku dhigeen labo xilli ciyaareed ka hor markaasoo ay isaga iyo Bayen Munchen ka dhigeen budo ba’day.

infocity1-v1392478002

Kulanka: Barcelona Vs Man City

Garoonka: Camp Nou

Saacada Geeska Africa: 9:45 Pm

Warbixinta Kulanka:

Manchster CIty ayaa kulankaan aadeysa iyadoo aan wax guul ah gaarin sadexdii kulan ee ugu danbeysay kadib labo barbaro ay la galen Everton iyo Celtic oo ay u dhexeysay guuldaradii ay soo biday Tottenham.

Guuldaro kulankaan kasoo gaarta kooxda macalin Pep dhigooda macalin Enrique ayaa keeni doonta in midkood Celtic ama Borussia Monchengladbach auu hesho fursad ay ciriiri ku saaraan City.

Barcelona: Jordi Alba, Sergio Roberto iyo Jasper Cillessen ayaa dhamaan shaki laga muujinayaa inkastoo ay kulanka ay ka qeyb qaadan karaan.

Manchester City: Bacary Sagna ayaa seegi doona kulankaan si lamid ah Fabian Delph oo oo dhaawac ku maqnaa mudo dheer.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona: Ter Stegen; Sergi Roberto, Piqué, Mascherano, Alba; Rakitić, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez, Neymar.

Manchester City: Bravo; Zabaleta, Stones, Otamendi, Clichy; Fernandinho, Gündoğan; Sterling, Silva, De Bruyne; Agüero.

Xaqiiqooyinka Kulanka

  • Barcelona iyo Manchester City ayaa markii sadexaad oo xiriir ah is wajahaya kulamada Champions League.
  • Barcelona ayaa garaacday Manchester City dhamaan afartii kulan oo Champions League ee ay kulmeen (2013/14 & 2014/15).
  • Liverpool ayaa ah kooxda kaliya ee Barcelona ku soo garaacday Camp Nou kulan ka tirsan Champions League waxayna aheyd kulankii February 2007 (2-1). dhamaan 19 kii kulan oo kale oo ay kooxaha ingiriiska ah tageen gobolka Catalan ayeey kala soo laabteen  11 guuldaro iyo sideed barbaro.
  • Man City ayaa guuldareysatay lix kamid ah sideedii kulan ee ugu danbeysya ee ay u aaday Spain tartan European waxayna kaliya soo guuleystay 3-0 oo ay ku garaacday Villarreal bishii November 2011 iyo 3-1 against Sevilla in November 2015.
Like it? Share it!

26 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. tupac 19-10-2016 at 5:25 pm - Reply

    Barcelona Vs Celtic= 7-0
    Man city Vs Celtic= 3-3

    waaa intaa farqiiga udhaxeyo Barcelona iyo Man city!! noo booq

  2. cadiro magna 19-10-2016 at 4:58 pm - Reply

    guuuul man city 3-1bakhtilona wxan rajaynayaa in lasoo garaaci doono kooxda midgaha dunida

  3. DIDI 19-10-2016 at 4:24 pm - Reply

    iska hadal loma hadlee waxa dhabta ayaa laga hadlaaa
    waa kulan weyn iyo ciyaar adag labada kooxna waa isku
    ciyaar barca waxey heysataa msn city sba bruyne sterling
    aguero wax kasta ayaa ka iman kara taas hala ogado barca
    difacedana waa ku gur kaliya habiqleyso

  4. Cali eekeey 19-10-2016 at 4:16 pm - Reply

    Barca cawa waxba uma haayo

    Man city waa tiimka kaliya spen loolanka kula jirta guul baan u rajeeyn full time 2 – 1

  5. muxiyadiiin ibrahimovic 19-10-2016 at 2:55 pm - Reply

    4:0 barca ayaa badinaysa

  6. Akram 19-10-2016 at 2:45 pm - Reply

    an aragno cawa insha alah

  7. Axmed yare 19-10-2016 at 2:39 pm - Reply

    waah wah ha ha ciyaal xaafadka shaley yimid soo bara ciyaarta. dameer maxee zanjabiil ka kasee 2:0 ama 1:0

  8. Akram 19-10-2016 at 2:37 pm - Reply

    asc all asxabta wxa hubaal ah in cawa barca ay badineyso simali wexey ku mah mahda makulal gurigeda jogto mici libax ayey ledahay marka yan lais dalinin barca 5-citizens1 Wey dhacda bro

  9. barkhad yaya toure 19-10-2016 at 1:30 pm - Reply

    WAN ks xuma hay yaya tour oon ciyaaren liiska na ku jirin bales aragtideyda man city waxa ay ku badi neysa 2 ; 1 guul aguero iyo nolito labada gool

  10. Yuuro verratti 19-10-2016 at 12:48 pm - Reply

    Guul ayaanu urajaynaynaa kooxda Barcelona 3 1 waxana dhalilanaya messi naymar rakatic goolka madiga man city de bruye

  11. abdi jafar 19-10-2016 at 12:07 pm - Reply

    caawa waxa ciyaaraya libaaxi lio messi way udhamaatay city

  12. abdi jafar 19-10-2016 at 12:06 pm - Reply

    barcelona 4 mancity 0 insha allah

  13. ibrahin awcabdi 19-10-2016 at 12:02 pm - Reply

    Munir iyo sadam iyo taageerayaasha man city waxaan hubaa caawa ilaahay idankii guul weyn dhamaanteen guul insha allaah sxb

  14. ibrahin awcabdi 19-10-2016 at 11:55 am - Reply

    Waar waxaad doontaan ku hadla caawa waa lays hayaa anagu caytamimayno laakiin barce waan garaacaynaa insha alaah ciyaarta ka dib ayeynu iswaraysandoonaa hadii ilaahay idmon

  15. sadaam 19-10-2016 at 11:51 am - Reply

    Man city 3 vs 1 Barcelona
    Inshaa allah aguero 2 goels nolito 1

  16. muniir man city 19-10-2016 at 11:36 am - Reply

    Asc dhamaan umada islamka ah ee aqrisata lacibnet
    Salan kadib waxaan saadalin doonaa kulankan hadii allah idmo waxan umalaynayaa hadii allh idmo kulankan haduu pep saxdan kusoo galo inuu guul wayn soo gaadhi doono
    ////goolhaye baravo kalarov stons, atomandi zabaleta farnandinho silva de buryne nolito aguero starling ////, hadii uu shaxdan kusoo galo waxaan u saadaalin lahaa barcena 1-4 mancestar city
    Wa billahi tawfiiq

  17. alves 19-10-2016 at 11:30 am - Reply

    barcelona 4:1 man city messi waaa soo noqdy taaaana hala ogaaaado

  18. muxiyodiin mohamed 19-10-2016 at 10:47 am - Reply

    barcelona umamalaynayo imay cidi kabadinayso inkasyoy waxan tahay kaubad hadana waxaa ah inuu kooxadan kujiro wiilka layidhaah messi oo ah kan hadii layidhaah naf haloo raadsho kubada ka loo yeedhayo yahay ilaahay ka socow waxaabad moodaa inuu garoonada kuu dono ha ahaadee yahay kan garoonku amaskaxdiisa ugu jiro noocuu doonaba ha aadee wuxuu yahay messi ku hadii u koxdaada kujiro guushu gacantaada kujirto

  19. jabka 19-10-2016 at 10:35 am - Reply

    waxaan guul urajynyaaa Catalonia yaa celindoona MSN iyo fatherkooda ineasta alla maxay hoogeeen CWA mancity

  20. Abdi yare 19-10-2016 at 10:31 am - Reply

    Beentiin waaye aaway kulankii chelsea ay kusoo garaacday home and away markii tores goolka guudha ka dhaliyey ee terry ow casaanka qaatay

    • DaLmAr 19-10-2016 at 12:30 pm - Reply

      Ta uu Torres goolka dhaliyay 2:2 ayay Ku dhammaatay reer Miyi ciyaaraha imaka bilaabay ayaad tahaye

  21. Mahad cali 19-10-2016 at 10:06 am - Reply

    Cawa man city 0 5 barca insha alaah wan arki donaa

  22. AGUERO 19-10-2016 at 10:00 am - Reply

    Manchester city 2-1 Barcelona waa saadaalintayda de bruyre ayaa ka xarayn doona goalka kowaad

  23. xidiga islii yare 19-10-2016 at 9:52 am - Reply

    Gool wacan laba kooxod aan tagero weeye midee fagera ilataliya azxaabta

    • barca boy 19-10-2016 at 11:15 am - Reply

      Sxb anigaba way ihaysataa lkn tanaasul wayn Ayaan samaynaa barca Ayaan guusha larabaa Madame mnzii ay San guulo badan kasoo hoynkarin UCL ga

  24. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 19-10-2016 at 9:39 am - Reply

    Barcelona 4 man,city o marka.msn.seeftooda.ayey.kujarayaan pepGuardiola.waxbyaanu.xodxodanin.lionel,messi.ee.xaarka.ha.iskuxejiyo
    Oowaxhaiskaceliyo.messina.weligii.kama.tegaayo CaMPNou ee hawaalan

Leave A Response