FA-ga Ingiriiska Oo Jose Mourinho Ka Dalbaday In Uu Sharaxaad Ka Bixiyo Hadalkii Uu Ka Sheegay Garsoore Anthony Taylor Ee Ka Hor Kulankii Liverpool

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho u diray warqad saman ah oo lagaga dalbanyo in uu sharaxaad ka bixiyo hadalkii uu ka sheegay garsoore Anthony Taylor ee ka hor kulankii Liverpool. Inkasa oo uu Mourinho u hadlayay sidii Anthony Taylor ay dad kale culays saareen ayaa sidoo kale hadalkiisa laga fahmay in uu isaga laftiisu doonayay in uu saamayn ku yeesho.00

Sidii aanu shalay idiin soo gudbinay xidhiidhka kubbada cagta Ingiriiska ayaa baadhitaan ku samayeeyay erayadii uu Mourinho kaga hadlay garsoore Anthony Taylor oo dhex dhexaadiyay kulankii Liverpool iyo Man United ay ku ciyaareen doonaan Anfield. Sharciga FA-ga ayaan ogolayn in kulamada ka hor ama kadib wax laga sheego garsoorka iyada oo sanadkii 2019 kii la soo saaray sharci tababarayaasha, ciyaartoyda iyo saraakiisha kooxaha u diidaya in wax laga sheego garsoorka.

Referee Taylor took charge of Manchester United's trip to Liverpool on Monday night

Kadib baadhitaan uu sameeyay FA-gu waxaa Mourinho laga dalbaday in uu sharaxaad ka soo bixiyo erayadii uu ka sheegay Taylor ee ka hor kulankii Anfield taas oo keeni karta in macalinka ree Portugal uu markale ganaax kala kulmi doono FA-ga oo aanu xidhiidh fiicani ka dhexayn.

Taylor, who lives six miles from Old Trafford, produced an excellent display at Anfield

Mourinho Isaga oo ka hadlayay Anthony Taylor ee ka hor kulankii Liverpool yidhi: “Anigu waxaan filayaa in Mr Taylor uu yahay garsoore aad u fiican, laakiin waxaan filayaa qof ujeedo lihi uu isaga culayskan saaray  kaas oo aan dareensanahay in ay wax adag ku noqon doonto isaga in uu sameeyo bandhig aad u fiican. Anigu waxaan leeyahay aragtidayda, laakiin waan fahansanahay isla markaana waxaan cashar ka bartay in marar badan la igu ciqaabay erayo aan sheegay awgeed, sidaa daraadeed ma doonayo in aan wax badan arintan ka sheego”.

Jose Mourinho has been asked to explain his comments about Anthony Taylor by the FA

Sharciga Mourinho lagu qaadi doono oo la soo saaray sanadkii 2009 kii ayaa kooxaha Premier Leaque-ga loogu sheegay: “Waxaa kooxaha lagula talinayaa in hadal kasta oo saxaafada ay ka sheegaan tababarayaasha, ciyaartoyda ama cid kasta oo kale oo la xidhiidha magacaabista garsoorayaasha ee ka hor iyo kadib kulamada aan mar danbe la ogalaan doonin. Hadaladan ka horeeya kulamadu waxaa loo tixgalin doonaa dhaqan xumo waxaana loo talaaci loodaan sida ay yihiin”.

Anthony Taylor ayaa si fiican shaqadiisa u qabsaday kulankii Liverpool iyo Manchester United isaga oo ka dheeraaday go’aano saamayn ku yeelan kara natiijada kulankan wuxuuna ahaa kulan ay aan muran dhalin isla markaana ay wax kastaaba ku dhamaadeen sidii ugu fiicnayd ee uu garsoore u dhex dhexaadin lahaa kulan wayn.

Like it? Share it!

5 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. zuber santi zalman yare 19-10-2016 at 11:58 am - Reply

    Special one kkkkkkkkjkj

  2. Yacquub Germany 18-10-2016 at 7:45 pm - Reply

    kkkkkkkk qof qorayo wa ibni adam sidas ola socda waxa uu ula jeeday 2009 lkn gadal ayu kasaxay ee cadi iska dhiga xag xagasho badnidiinaa macbuudkow

  3. yaska 18-10-2016 at 7:10 pm - Reply

    waa ay gaadheen 2019 cajiib

  4. Hussein 18-10-2016 at 6:59 pm - Reply

    War idinka maxaa idinka khaldan 2019 maba lagaarine

    • اتقوا الله 18-10-2016 at 8:59 pm - Reply

      ogow dhaam in la galo qalad ee lama yaabani ka qaladka galee waxan la yaabanay ka qaladadka biliadamka daba galaya walee ogow biliadanow wax kaa qaldan badani majiro

Leave A Response