Everton Oo Wajaheysa In Dhibco Premier League Laga Jaro Ka Dib Dacwad Ay Ka Soo Gudbisay Watford

Everton ayaa dhibco horyaalka Premier League ah laga jari karaa iyadoo kooxda Watford ay dooneyso in go’aan laga soo saaro baaritaanka ku aadan in Everton ay si sharci darro ah kula wareegtay tababare Marco Silva.

Waxaa dood weyn ay ka taagan tahay qaabkii ay Everton kula wareegtay macalinkii hore ee Watford kaasoo xagaagii loo magacaabay tababaraha cusub ee Everton.

Madaxda Premier League ayaa bilowday baaritaan iyadoo wargeyska The Times uu sheegaya in Everton dhibco laga jai karo ama lagu ganaaxi karo lacag culus taasoo ku xirnaan doonta natiijada baaritaanka.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in madaxda Everton oo uu ku jiro milkiile Farhad Moshiri in la weydiistay inay gudiga baaritaanka u soo gacan geliyaan rikoorada taleefanada, xusuus qoryada iyo weliba dukumiintiyada kale.

Silva ayaa waxaa laga ceyriyay kooxda Watford Bishii Janaayo iyadoo kooxda ay markaas sababta ku sheegtay inay tahay qaabka ay Everton ugu soo dhawaatay xilli uu iyaga qandaraas kula jiray.

Everton ayaa dhowr jeer isku dayday inay Silva ku shukaamiso inuu noqdo tababarahooda cusub kaliya bilo ka dib markii uu 41 jirkaan uu qabtay shaqada Watford.

Everton ayaa diyaar u aheyd inay bixiso 10 milyan ginni oo magdhow ah laakiin Watford ayaa diiday waxaana ay doonayaan inay Everton ku ciqaabaan inay jabiyeen sharciyada u yaala horyaalka Premier League.

Waxaa arinta baaritaanka go’aan ka gaaraya guddi madax banaan oo ka kooban seddex nin.