El Classico: Jeremy Mathieu Seegi Doona Kulanka El Classico Ee Sabtida Ka Dhici Doona Camp Nou

by Abdirahman Qoslaaye | Wednesday, Nov 30, 2016

Jeremy Mathieu ayaa seegi doona kulanka Clasico ee sabitda ay kooxdiisa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid kadib markii uu soo gaaray dhaawac seedka ah, Barcelona ayaa haatan xaqiijisay

Daafacaan ayaa rajeynayay inuu soo laabto kulankaan kadib markii uu seegay shan kulan oo La Liga ah kuwaasoo labadii ugu danbeeyay ku dhamaaday barbarooyin laakin kooxdiisa ayaa haatan ku dhawaaqday inuu xidigaan seegi doono kulankaas.

Mathieu ayaa la filayaa inuu soo laabto bartamaha December taasoo ah rajada uGu dhaw ee uu kulan ku ciyaari karo.

jeremy-mathieu

War kazoo baxay kooxdiisa ayaa lagu yiri “Intii lagu jiray qeybihii uGu danbeeyay ee soo kabashadiisa, Jeremy Mathieu ayaa markale la kulmay dib u dhac dhaawac oo lugtiisa midig ah, sida ay qabaan shaqaalaha caafimaadka FC Barcelona, wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa min 15 ilaa 20 maalmood oo kale”.

“Tan ayaa la macno ah in daafaca faransiiska ah uu seegi doono  kulamada ugu soo horeeya ee Real Madrid, Borussia Monchengladbach iyo Osasuna.”

Warkaan ayaa niyad jab ku ah macalin Luis Enrique oo kooxdiisa ay heysato dhibaato dhaawac ka hor kulanka ay todobaadkaan ku ciyaari doonaan Camp Nou Real Madrid laakin warka wanaagsan uu helayo ayaa ah in kabtan Andres Iniesta uu aad uGu dhaw yahay inuu ku soo laabto taam ahaansho buuxo kadib markii bil ka maqnaa garoomada halka daafacayada Samuel Umtiti, Gerard Pique iyo Jordi Alba tijaabooyin xili danbe ah lagu sameyn doono.

Like it? Share it!

Leave A Response