EL Clasico: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Barcelona & Real Madrid Ee Xilli CIyaareedkan – Neymar & Bale Oo Boos Loo Waayay.

by Saed Balaleti | Friday, Dec 2, 2016

Hilinka Eurosport ayaa shax isku dhafka ah ka sameeyay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee Camp Nou ku ciyaaraya kulanka El Clasico berri oo Sabti ah.

Waxa ay qiimeeyeen ciyaartoyda labada kooxood ee in ka badan sideed kulan ciyaaray xilli ciyaareedkan iyo weliba xaqiiqooyinkii laga diiwaangeliyay ciyaaryahan walba iyo booska uu ka dheelo.

Waxa ay lix ciyaartoy ka soo xusheen kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga ee Real Madrid, halka ay shanta xiddig kale ka soo xusheen kooxda kaalinta labaad ee Barcelona.

Hadaba shaxda isku dhafka ah ee El Clasico ee xilli ciyaareedkan waa sida tan:

1979401-41583516-640-360

Goolhaye Keylor Navas (Real Madrid)

Celcelis ahaan waxaa xilli ciyaareedkan laga dhaliyay 0.7 goolal marka loo eego dhigiisa Ter Stegen.

Waxa uu celcelis ahaa badbaadiyay seddex fursadood gool walba oo laga dhaliyay.

Labo kulan ayuu shabaqa ilaashaday xilli ciyaareedkan.

Daafac midig Sergi Roberto (Barcelona)

Waa daafaca midig ee ugu qaab ciyaareedka fiican xilli ciyaareedkan La Liga.

2.8 taakalo ayuu sameeyay celcelis ahaan kulan walba.

Afar gool ayuu caawiye ka noqday xilli ciyaareedkan.

Daafac dhexe Raphael Varane (Real Madrid)

2 taakalo ayuu sameeyay celcelis ahaan kulan walba xilli ciyaareedkan.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 87

Waxa uu ku guuleysatay boqolkiiba 84 kubadaha madaxa ah ee uu u dagaalamay.

Daafac dhexe Gerard Pique (Barcelona)

Boqolkiiba 82 waxa uu ku guuleystay taakaladii uu sameeyay.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 89

Labo goolal ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkan.

Daafac bidix Marcelo (Real Madrid)

4.3 taakalo ayuu sameeyay celcelis ahaan kulan walba xilli ciyaareedkan.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 82

Labo caawin ayuu sameeyay xilli ciyaareedkan.

Khadka dhexe Toni Kroos (Real Madrid)

Waa xiddiga khadka dhexe ee ugu qaab ciyaareedka sareeya La Liga xilli ciyaareedkan.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 93

Waxa uu abuuray 32 fursadood oo gooldhalin ah.

Khad dhexe Ivan Rakitic (Barcelona)

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 87

Boqolkiiba 69 waxa uu ku guuleystay ganbiskiisa uu sameeyay.

Celiscelis ahaan waxa uu abuuray hal fursadood oo gooldhalin ah kulan walba.

Khad dhexe Mateo Kovacic (Real Madrid)

Boqolkiiba 76 waxa uu ku guuleystay ganbiskii uu sameeyay.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 91

Celcelis ahaan waxa uu abuuray 1.2 fursadood oo gooldhalin ah kulan walba.

Weerar Cristiano Ronaldo (Real Madrid)

10 gool ayuu dhaliyay La Liga xilli ciyaareedkan.

Celcelis ahaan waxa uu abuuray 1.2 fursadood oo gooldhalin ah kulan walba.

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 84

Weerar Luis Suarez (Barcelona)

8 gool ayuu dhaliyay La Liga xilli ciyaareedkan

3 caawin ayuu sameeyay xilli ciyaareedkan

Sugnaanshaha baasaskiisa waa boqolkiiba 78

Weerar Lionel Messi (Barcelona)

9 gool ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkan La Liga

2 caawin ayuu sameeyay xilli ciyaareedkan

Boqolkiiba 25 darbooyinkiisa waxa ay sababeen goolal.

Like it? Share it!

Leave A Response