Edinson Cavani Oo Ku Talaabsaday Rikoor Dhanka Gooldhalinta Madama Uu Noqday Xiddiga Sadexaad Ee Ugu Goolasha Badan PSG

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Edinson Cavani ayaa dhaliyay goolkiisii 100-aad ee kooxda Paris Saint Germain kadib markii uu gool u badalay rigoore lagu abaalmariyay kulankii ay kooxdiisa 2-0 ku dubteen naadiga Angers kulan ka tirsan horyaalka faransiiska.

Xidigaan reer Uruguay ayaa kaga soo biiray Paris Saint Germain naadiga Napoli 2013, sadexdii xili ciyaareed ee ugu horeeyay wuxuu u muuqday mid ku hoos noolaa Zlatan Ibrahimovic kaas oo doorka ugu muhiimsan ee kooxda lahaa, balse wiilkaan ayaa muujiyay sida uusan liidan sadexdii xili ciyaareed ee ugu horeeyay isagoo dhaliyay 81-gool, halka xili ciyaareedkaan bilowga ah uu dhalyiay 19-gool dhamaan tartamada oo dhan.

edinson

Edinson Cavani ayey ku qadatay 166-kulan inuu ku dhaliyo 100-gool, sanadkaan ayaana u ah kii ugu fiicnaa madama uu haatan sii marayo 31-gool.

cavani-100-goals-gfx_1xpl59m7aiobx1ooelaeek2x6a

29-jirkaan heerka caalami ayaa haatan soo istaagay booska 3-aad xidigaha ugu goolasha badan ebid kooxda Paris Saint Germain wuxuuna barbaro la yahay haatan Dominique Rocheteau, Pauleta oo dhaliyay 109-gool iyo Zlatan Ibrahimovic uu dhaliyay 156-gool.

Like it? Share it!

Leave A Response