Edinson Cavani Oo Jaale Gudoomay Xilli Uu Dabaal Dag Fariin Ugu Diray Ehaladii Ay Ka Geeriyoodeen Ciyaartoydii Chapecoense

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 1, 2016

Sharciga kubadda cagta ayaan u muujin wax ixtiraam ah xilli uu muujiyay sida uu kaga xun yahay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii ay ku geeriyoodeen badi ciyaartoyda kooxda reer Brazil ee Chapecoense kuwaas oo shil diyaaradeed ku galay dalka Colombia.

Edinson Cavani ayaa rigoore gool u badalay kulan ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay naadiga Angers, xidigii h--e Napoli ayaa maaliyadda siibay si uu u muujiyo funaanad uu kusoo xardhay astaanta kooxda reer Brazil, balse garsoorahii ciyaarta ayaa muujiyay sida uusan u qilaafi karin sharciga kubadda cagta madama uu jaale siiyay Cavani.

edinson

Cavani ayaa sido kale ku talaabsaday rikoor dhanka gooldhalinta ah isagoo xalay dhaliyay goolkiisii 100-aad ee PSG, sidoo kalana waa goolkiisii 14-aad ee xagaagan uu ka dhaliyo horyaalka Faransiiska.

Like it? Share it!

Leave A Response