Eden Hazard Oo Xaqiijiyay Inuu Heshiis Cusub U Saxiixi Doono Chelsea Balse Hal Shuruud Ayuu Ku Xiray Joogitaankisa Stamford Bridge.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Jan 12, 2018

Eden Hazard ayaa qalbiga u dajiyay jamaahiirta Blues ee ka walaacsan mustaqbalkiisa kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu qorsheynayo heshiis uu u saxiixo kooxdiisa difaacaneysa horyaalka Premier League.

Xidigaan hogaamiya qaranka Belgium wuxuu diirada u saarnaa mudooyinkii ugu dambeeyay Real Madrid oo ka fakareysa sidii ay ku xoojin laheyd weerarkeeda dhibaatada ku dhex jira waqtigaan, bals 27-jirkaan oo xalay ka qeyb galay kulan kubadda koleyga ah oo lagu ciyaaray garoonka O2 Arena ee London ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay xaaladda mustaqbalkiisa.

“Haa” ayuu yiri Hazard oo la hadlayay Mirror Football, mar la weydiiyay hadii uu qorsheynayo inuu saxiixo heshiis cusub oo waqti dheer kusii haya Stamford Bridge, “Waxaan filayaa in Thibaut Courtois uu marka hore saxiixi doono, kadib waan saxiixi doonaa”

Eden Hazard ayaa la rajeynayaa inuu noqdo kan xiga hadii Thibaut Courtois uu qalinka u duugo heshiis ku kacaya 200,000 kun oo Pound isbuucii.

Inkastoo Eden Hazard qandaraaskiisa uu kaga haray laba sanadood hadana, kooxda galbkeedka London ka dhisan ma dooneyso iney gasho xaaladda uu Alexis Sanchez ku hayo Arsenal – hadii heshiiska Eden uu hoos u dhaco.

Waa xidiga ugu tilmaaman kooxda Antonio Conte – wuxuu dhaliyay 9-gool isagoo caawiyay 8-gool xilli ciyaareedkaan.

Dhanka kale Courtois waa mid kale oo ay isha ku heyso Los Blancos, wuxuuna noqday mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican aduunka isagoo hormar weyn ku sameeyay galbeedka London tan iyo markii uu 2014 dib uga soo laabtay Atletico Madrid.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. cabduqaadir zubeyr 13-01-2018 at 7:44 am -

    Waanku faraxsanahay hadalka kaso yeeray hazard