Eden Hazard Oo Si Dadban Shuruud Adag Ugu Xiray Sii Joogitaankiisa Stamford Bridge – Muxuu Xiddiga Reer Belgium Ka Dalbaday Kooxdiisa?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, May 16, 2018

Garabka Chelsea Eden Hazard ayaa si dadban uga nixiyay jamaahiirta Chelsea kadib markii uu shuruud adag ku xiray sii joogitaankiisa garoonka Stamford Bridge xilli si weyn loola xiriirinayo wali kooxda Real Madrid.

27-jirka heerka caalami ayaa dib u dhigay inuu saxiixo heshiis cusub oo isbuucii uu ku helayo aduun dhan 300,000 kun oo Pound, wuxuuna sugi doonaa hadii ay kooxdiisa keento ciyaartoy inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Belgium muddo laba sanadood ah ayaa kaga haray qandaraaskiisa kooxda, balse waxaa si aad ah saxiixiisa u sugaya Los Blancos oo dooneysa iney sameyso saxiixyo Glatico ah.

Eden wuxuu ka dalbaday maamulka Blues iney keenaan ciyaartoy kooxda lagu xoojiyo si ay ugu tartamaan hanashada horyaalka Premier League.

“Waxaan qaadanayaa wakhtigeyga, waxaan sugayaa ciyaartoy cusub fasalka dambe, waan arki doonaa” ayuu yiri Eden Hazard.

“Waxaan doonayaa ciyartoy, waxaan dooayaa inaan ku guuleysto Premier League.. iyo waxyaabo kale oo badan”

“Waa wax weyn, sidaas darteed waxaan u baahanahay inaan wax badan fakaro” ayuu mar kale yiri Eden Hazard.

Antonio Conte ayaa xagaagii lasoo dhaafay suuqa kasoo iibiyay dhawr ciyaartoy oo uu ka mid yahay Alvaro Morata, mar kale ayuuse Hazard ka dalbanayaa in kooxda ay sameyso suuqa-gal fiican.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Ibrahim 17-05-2018 at 10:48 am -

    was sax warka hazard Chelsea maheysu ciyaartood tayu leh sida liajligeed teamk gool madhalin karu mana difaacan karo waxa loobahanyahay isbadal guuud mida kale ciyaartood teamka lakeenaayo was in laga
    fiirsadaaa waliba fiiro qaaas ah

  2. Cabdisamad 16-05-2018 at 2:56 pm -

    Waa sax hadalka eden hazard wa inaan helna ciyartooy tayo sare leh isla markaana wax kabadala team ka
    Fiiro gaar ah
    Wa inaysan noqon kuwa imanaya kuwa sidii bakayoko iyo morata camal